Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qureesh2016 on May 29, 2017, 02:12:33 PM

Title: Su'aal: Xaaskayga oo ku jirta xiligii walaca?
Post by: Qureesh2016 on May 29, 2017, 02:12:33 PM
Asc Dr Marka hore aadbaan kuugu mahadnaqaynaa  iniyo inta kugu xidhanba
suaasha anrabo ansoaqadimo, xaaxkayga oo kujirta xiligii walaca ama bishii 1 baad ee uurka sidaa awgeed lalabada ma u qaadan kartaa sanjabiisha qoyan ama qalalan mid labaad kaluunka qasaa cadaysan ama kan lashiilo ee huteelada. Thanks alot
Title: Re: Su'aal: Xaaskayga oo ku jirta xiligii walaca?
Post by: SomaliDoc on January 05, 2018, 08:16:36 PM
Sanjabiilka wuxuu yareeyaa lalabada wallaca, wax dhib ahne ma u keeno uurka inkastoo dhakhaatiirta qaar ay ku taliyaan in aan la badsan, midda ku saabsan kalluunka gasacadaysan shuruud ayaa ku xiran in la siiyo hooyo uur leh, sababtane ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7570.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7570.0)