Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nasrin20 on January 24, 2019, 01:43:22 PM

Title: Su'aal: wax iiga sheega cudurka Toxoplasmosis?
Post by: Nasrin20 on January 24, 2019, 01:43:22 PM
Asc dhamaan dhakhatiirta aad ayn idiin salamayaa bacda salaam waxaan donayaa in aan wax ka ogaado cudurka TOXOPLASMO astaamihiisa iyo waxa laga qaado
MAHADSANIDIIN.
Title: Re: Su'aal: wax iiga sheega cudurka Toxoplasmosis?
Post by: SomaliDoc on October 13, 2019, 12:25:15 PM
Toxoplasmosis waa cudur loogu magac daray lagana qaado jeermis dul-ku-noole ah oo loo yaqaano "Toxoplasma gondii".

Wuxuu ku gudbaa cunista hilibka cayriinka, taabashada saxarada mukulaalaha, sidoo kale hooyada uurka lehne way u gudbisaa uurjiifkeeda.

Cudurkaan wuxuu ka mid yahay cudurrada keeno dilanka soo noqnoqdo, kaasoo faahfaahintiisa ka akhrisan kartaan link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6060.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6060.0)

Astaamaha lagu garto xanuunkaan waxaa ka mid ah qandho, murqo xanuun, madax xanuun kaasoo usbuucyo la dareemo.

Daawada waxay yaraysaa infekshanka, laakiin in laga hortago ayaa ka muhiimsan, sidoo kale dadka qaba xanuunada hoos u dhiga difaaca jirka waa inay qaataan daawooyin ka hortag ah.