Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Faraax on September 06, 2016, 02:09:15 AM

Title: Su'aal: Astaamo uurka ookale ah?
Post by: Faraax on September 06, 2016, 02:09:15 AM
asc walalayaal waad ku mahadsantihiin wanaaga aad umada somaliyeed cilmigiina uga faa idaynaysaan
salaan kadib 1.su aashaydu waxa ay tahay in aan wax ka ogaado.
xaaskayga ayaa dareemaysa xanuun hada mudo ah haya oo markaysocoto qabanaya xanuunkaas oo leh astaamaha uurka ookale ah sida lalabo aanan matag lahayn caajis dhabar, xanuun ,nasaha oo cuslaada ,calool majiir mudo bilkabadan haya oo waliba dhanka kore caloosha ah
waxa aan ku aragnay malintii 12 dhiig cadada kamaqnaa ayaa dhiig  yar oo daqiiqado socday ama halmar ah oo khafiif ah oo aan umalaynay implimantion blood yahay
intaas oo dhan hadana waxa dhacday in dhiigii cadada oo halmalin daahay ayaa ka yimi waliba si xowli ah ayuu usocdaa astamaha aan kor kusoo sheegayna waa hayaa wali iyadoo cadada ka timi.
2. waxaan kaloo jeclaan lahaa in aan ogaado alle ayaa haya wakhtiga uurka ah balse wakhtiga ugu haboon ay qadi karto
cadada sidatan ayay inta badan uga timaadaa 17.7.2016 marka labaad 10.8.2016  marka sadexaadna waxa uu uga yimi 2.9 2016 dhiig fudud hadana malintii danbe oo 3 ah ayaa dhiig xowli ah ka yimi.

mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Astaamo uurka ookale ah?
Post by: SomaliDoc on October 19, 2016, 07:00:58 PM
Astaamahaas waxa tilmaan u yihiin in cillad xaga hormoonada ay jiraan ama in ugxan sidayaasha ay soo daynayaan hormoon dheeraad ah, waa muhiim in aad la kulantaan dhakhtar haweenka ku takhasusay si loo eego xubnaha taranka iyo heerarka hormooanda, khaas ahaan hadduusan uur jirin.

Midda kale xilliga uurka la qaado markii la fiiriyo wareega caadada, waxaad ka akrhisan kartaa qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5839.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5839.0)