Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Siihaam on April 30, 2011, 02:27:21 PM

Title: SU'AAL: ASC DHAQTAR WAXAAN QABAA DHABAR XANUUN DARAN
Post by: Siihaam on April 30, 2011, 02:27:21 PM
SU AASHA WAXEEY TAHAY DHAQTAR  ANI WAXAA AFAR SANI KAHOR LA IGU SOO QALA CANUG  KABACDI QALIINKA KADIB WAXAA ILA KOW SADA XANUUN  DHABARKA AH  OON DHAMAAD LAHAYN OONBA TAAN NAAN KARIN IYO NERFOOS II DHEER  OON KUNAFISAYO WAXAA I AGJOOGO DHAQTAR KASTO OO JOOGA WADANKA AAN JOOGA WAXA UU LEEYAHAY WAXBA MAQABTID  ANE XANUUN AA DHABARKA DARAN IGA HAYO WAXANA AHEY QOF AAD UDA YAR OO ANIGA WAXAAN DHALAY CANUGUGA ANOO JIRA 17 SANO HADANA 21 SANO MARKA DHAQTAR BAL HADAAD I CAAWI KARTO IIGA SOO JAWAAB QEEYR ALAHA KU SIIYEE
Title: Re: SU'AAL: ASC DHAQTAR WAXAAN QABAA DHABAR XANUUN DARAN
Post by: SomaliDoc on April 30, 2011, 08:47:18 PM
Walaal ka soo jawaab su'aalahaan:

Dhabar xanuunka qaabkee ayuu kuu qabtaa?
Qeybta dhabarka uu kaa xanuuno waa halkee?
Qalliinka ka hor ma muddo ayaa foolanaysay?
Xanuunka goorma ayuu kuugu daranyahay?
Daqnasho ma la socdaa xanuunka oo haddii ada taabato maku xanuunaa?
Wax jug ah oo kaa gaaray ama aad xasuusato ma jiraan?
Dhabar ma ka dareemeysaa wax is badal qaab ahaantiisa, ama meel soo kuusan ama god noqotay?
Wax calaamado kale oo la socdo dhabar xanuunka ma jiraan sdia in kaadida ku gudubto, qoyaan hoos ah, ama astaamo infakshan?
Xanuunka ma halkiisa ayuu ku egyahay mise qeybe kale oo jirka ayuu u guuraa sida lugah ama miskaha?
Wax daawooyin aad qaadato ma jiraan?
Miisaankaaga ka waran? wax jimicsi ah ma samaysaa?
Xanuunka maxaa iska yaraysaa ama markii aad samayso xanuunka kaa yareeyo?

Su'aalahaas ka soo jawaab si aan wax uga fahanno dhibaatada aad ka cabanayso.