Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Engdeeq on January 27, 2018, 05:28:08 PM

Title: Su'aal: Xudunta oo soo buurnaata caruurta maxaa sababa?
Post by: Engdeeq on January 27, 2018, 05:28:08 PM
ASC
salaan kadib dhaqaatiirta isku xilsaray inay ku haqabtiraan dadkooda meel kasta ay joogaan dal iyo dibad cilmiga ilaahay baray aad iyo aad bay ammaan iyo sharafba ugu leeyihiin ilahayna haydin ku anfaco adduun iyo aakhiraba intaas ka dib.

su'aashaydu waxay tahay dr ilmayar oo 3jir ah oo xuduntu soo buurnaatay iyadoo yar markay dadabta ku jirtay, awal xanuun malahay saxarada oo adag maahaane ama dhibta, balse hadday keentay xanuun iyo inay soo intii hore kasoo buurnaato, dr maxaa laga qaban karaa?

FG: iyadoo 2jir ah baan gaynay dhaqtar waxa uu yidhi way noqonaysaa ilaa 5jirkeeda hadday noqon waydana waa qalitaan.

wabilaahi towfiiq
mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Xudunta oo soo buurnaata caruurta maxaa sababa?
Post by: SomaliDoc on December 11, 2018, 12:11:36 AM
Haddii aysan dhib ku hayin, farahaa laga qaadaa sababtoo ah murqaha caloosha way adkaanaayaan, kuuskane wuu qarsoomi doonaa insha'llah.
Xanuunka aad sheegaysid inuu xundhurta bararan ka socdo iyo in kale, waa in la xaqiijiyaa marka hore, sababtoo ah haddii cillad caloosha ay jirto, xundhurta waa loo saari karaa.