Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Barkhat on May 23, 2009, 02:19:20 PM

Title: Kolba-aariyada makeeni kartaa inay maskaxda waxyeesho?
Post by: Barkhat on May 23, 2009, 02:19:20 PM
Asc
bacda salaan waxaan idiinka mahadcelinayaa sida wanaagsan ee aad bulshada uga caawisaan qofkastaaba waxa uu u baahanyahay intaa ka bacdi waxaan u baahanahay inaad ii sheegtaan.
xanuunka kolba aariyada loo yaqaan ama hawada dadka jidhkooda gasha makeeni kartaa inay maskaxda waxyeesho markay qofka madaxa ka gasho?.
Title: Re: Kolba-aariyada makeeni kartaa inay maskaxda waxyeesho?
Post by: SomaliDoc on May 26, 2009, 09:47:23 PM
Jawaabta ka sokow walaal koolba-aaryo maxaa u taqaanna?
Cudur noocee ah ayaau heysataa?

SomaliDoc
Title: Re: Kolba-aariyada makeeni kartaa inay maskaxda waxyeesho?
Post by: Barkhat on May 27, 2009, 06:55:20 AM
walaal waxay dadka qaarkood u yaqaaniin kolba-aariyada markay qofka dabayshu jidhka ka gasho khaasatan qofku isagoo meel kulul kasoo baxay oo dhididsan haday laydh ama dhaxan qabow ku dhacdo waxa lasheegaa inay dhaxantaasi ama dabayshaasi inay qofka jidhkiisa gasho oo xumad iyo xubno xanuun badana ku keento sida runtii ahna anigu waxaan arkay dad badan oo ka cabanaya.


waxaan rajaynayaa inaad sifiican ii fahanteen waxaana ka cudur daaranayaa markii hore oo aanan wax fahfaahin ka bixin.
Title: Re: Kolba-aariyada makeeni kartaa inay maskaxda waxyeesho?
Post by: SomaliDoc on May 29, 2009, 08:18:27 PM
Koolba-aaryada sida ay soomaalida u taqaanno maahan mid sax ah, cudurkani sida aad tilmaantay calaamadihiisa waxaa la yiraahdaa oofwareen/qaarjeex/neyumoonia.

Ma jirto hawo gasho qofka feerihiisa kuna socsocoto laakiin sida aad u sheegtay waa sida loo dareemo xanuunka saxda ah.
Qofka markii ay ku dhacdo neyumooniyada ama koolba-aaryada wuxuu dareemaa caburnaan, xanuun qanjaruufo oo kale ah oo gudaha laga dareemo, qandho, neefqaad iyo naqaska oo qofka ku dhego.

Xanuunka in aaryo ku dhex socoto qofka uu u malaynayo waa markii niyuumooniyada la socoto xanuunka loo yaqaanno "Pleurisy/Pleuritis" oo ah macnaheeda hurgunka ku dhaco xuubka sanbabada.

Koolba-aaryada waa "Pneumonia + Pleurisy".

Sidaa darteed maadaama aysan jirin hawo wareegeyso inkastoo qofku sidaa u dareemayo maskaxda waxyeello uma geysan karto oo macnaheedu tahay hawo maskaxda u gudbeyso ma jirto.

Qoraal ku saabsam Niyumooniyada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=615.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=615.0)

SomaliDoc