Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: A/qadir Abdi on February 15, 2015, 01:06:04 PM

Title: Su'aal: Shahwadda Ragga Oo kuuskuus Leh?
Post by: A/qadir Abdi on February 15, 2015, 01:06:04 PM
Asc doctor. salan ka dib doctor ilaahay ha idinka jazaa'i mariyo sida aad noo caawinaysaan.
Intaa ka dib doctor waxaan qabaa su'aal su'aashaydu waxay tahay labada luguud halka ugu saraysa qanjidhka ku yaala ee marka uu nabar kugu dhoco kuusnaada aniga xididka halkaa maraa wuu u kuus kuusan yahay. markaa shahwadayda marka ay dibada u soo baxdo ma aha dareere kaliya balse waxaa ku jirta qayb kuus kuusan oo sida bariiska oo kale ah. midab ahaan cad. markaa doctor ii faahfaahiya ilaahay ha idin barakeeyee?
Title: Re: Su'aal: Shahwadda Ragga Oo kuuskuus Leh?
Post by: SomaliDoc on February 18, 2015, 02:14:01 PM
Haddii meesha saracda ah ay tahay meesha kuuskuusan waxay u badan tahay in qanjirrada ay bararan yihiin, waxaadna u baahan tahay in aad takhtar la xiriirtid sida ugu dhakhsiyaha badan, waxyaabaha qanjirrada saracda barariya waxaa ka mid ah infekshanada noocyadiisa kala duwan iyo xanuunada ku dhaca qanjirrada sida tiibishada iyo kansarka.

Shahwada oo kuuskuusata iyadoo qofka wax xanuun ah uusan qabin way dhici kartaa si dabiic ah, laakiin haddii uu jiro xanuun la socdo sida ad tilmaantay oo ah in qanjirrada ay bararn yihiin waa in aad takhtar la xiriirtaa oo lagu baaraa.

Waxyaabaha keeni karo sida dabiiciga in shahwada ay kuuskusuato waa haddii cillad xagga qanjirka borostaatada ay jirto oo soo daayo dheecaan shahwada biyo ka dhigo, haddii cillad timaado in dheecaankaas uu yaraado ama la soo deyn waayo shahwada way adkaataa kuuskuusne way yeelataa.

Fadlan la xiriir takhtar.
Title: Re: Su'aal: Shahwadda Ragga Oo kuuskuus Leh?
Post by: A/qadir Abdi on February 20, 2015, 01:06:12 PM
Mahadsanid Doctor, qanjidhadan i bararsan ma aha kuwa groin-ka oo kaliya balse waxa ku jira kuwa dhagta dabadeeda iyo waliba qoorta. wax xanuun ahna iguma hayaan in muddo ahna way barasanaayeen markaa doctor maxay u badantahay in ay yihiin ma tb mise wax kale maxaase lagu dawayn karaa.
jazaaka allah doctor
Title: Re: Su'aal: Shahwadda Ragga Oo kuuskuus Leh?
Post by: SomaliDoc on February 21, 2015, 04:43:17 PM
Qanjirrada jirka oo wada bararan, waa cillad ku aadan xagga qanjirrada laftirkooda, waxaana ka mid ah xanuunada sidaa ka dhiga, infekshan aad u daran oo jirka wada saameeyay, tiibisho jirka ku faaftay ama kansarka qanjirrada ee loo yaqaano "Lymphoma", fadlan la xiriir takthar.
Title: Re: Su'aal: Shahwadda Ragga Oo kuuskuus Leh?
Post by: A/qadir Abdi on February 21, 2015, 10:31:52 PM
doctor mahadsanid waxaan leeyahay anal fistula markaa mal aga yaabaa in uu sababay isaga
Title: Re: Su'aal: Shahwadda Ragga Oo kuuskuus Leh?
Post by: SomaliDoc on February 24, 2015, 05:28:11 PM
Xanuunada kale aan kuu soo sheegay ayaa ka horreeyo in lagaa baaro, anal fistula ma keeni karo kuma dhehi karo laakiin xanuunada lagu yaqaano cilladaan maahan.
Title: Re: Su'aal: Shahwadda Ragga Oo kuuskuus Leh?
Post by: A/qadir Abdi on February 24, 2015, 09:38:46 PM
Doctor ilaahay ayuunbaa sidaa ii caawisay kaa abaal marin kara, dr. qaab noceya ayaan isku baadhaa ma computer mise dhiigbaan iska qaadaa. ta kale hadii ay yihiin cudurada aad kor ku soo xustay dawo ma leeyihiin.

jazaakumulaahu khyran
Title: Re: Su'aal: Shahwadda Ragga Oo kuuskuus Leh?
Post by: SomaliDoc on February 25, 2015, 05:15:53 PM
Fadlan la xiriir dhakhtar isagaa ku baari doono, kuuna sheegi doono noocaa baaritaanka aad u baahan tahay.