Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Alkaraar on April 26, 2015, 06:11:56 PM

Title: SU'AAL: DHAGA CULAYS?
Post by: Alkaraar on April 26, 2015, 06:11:56 PM
ASC DHAMAAN DHAKHAATIIRTA WEBSITEKAN IYO MACAAMIISHABA  WAAN SALAAMAYAA SU AASHAYDII UGU HORAYSAY EE AAN SOO WAYDIIYO WEB KU SAABSAN CAAFIMAADKAYGA  WAXAAN AHAY WIIL 23 JIR AH OO DHAGA CULUS ILLAA IYO YARAANTAYDII WAAN DHAGA CUSLAA ANOO DHAGA CULUS BAAN CAQLIYAYSTAY WAALIDKAYGU WAXAY II SHEEGEEN ANIGOO JIRA DHAWR SANO IN AY DHAGAHA BIYO IGA YIMAADEEN KADIB MARKAY ARKEEN ANIGOO OOYAYA ISLA DHAWR JIRKAYGII AYUU DHAGA CULAYSKU IGU BILAABMAY WAXAAN KU SOO DHIGTAY DHAGA CULAYKAAS DUGSI HOOSE DHEXE SARE ILLAA JAAMACAD HADANA WAAN SHAQEEYAA WAQTIGAYGA INTA BADAN AYAAN LA KULMAA DHIBAATO XAGGA MAQALKA AH, HADAAN KA WARAMO DHAGAHAYGA CAAFIMAADKOODA WAXAY KU SUGNAADAAN MARXALADOOYIN KALA DUWAN KOL DHAG KAMIDA AYAA MAQALKU II KORDHAA SI FIICAN BAAN U MAQLAA SIDII IYADOO WAX DHAGTA IGAGA JIRAY IGA BEXEEN OO KALE MAR MARNA WAY IS XIDHAAN OO WAY CUSLAADAAN. MAR MAR  DHEECAAN BAA IGA YIMAADA WAXAAN MUDDO HAL SANO AH LAGA JOOGO KU TIJAABIYAY SALIID XABASUUD WAY I FURMAYAN DHAGUHU LKN DHEECAAN BADAN BAY I YEELANAYAAN OO IGA SOO DAADANAYA ISKUMA DAYIN DHAKHTAR INAAN TAGO LKN MARKASTA NIYADDA AYAAN KA JECLAHAY IN AAN IS DAWEYO. DHAKHTAR DHAGAHA OO KALIYA AH AMA ENT AH BAAN RAADIYAA LKN ETHIOPIA OON KU NOOLAHAY INTA BADAN LAGAMA HELO LAGA YAABAA ADDIS ABABA LKN DHAQAALAHAYGA OON II SAAMAXAYN IN AAN DHAKHTAR TAGO AYAA IGA XANNIBAYA. MARKA WAXAAN KA CODSANAYAA SOMALIDOC IN LA IGU CAAWIYO TALO TUSAALE IYO TILMAAN MAHADSANIDIIN.
Title: Re: SU'AAL: DHAGA CULAYS?
Post by: SomaliDoc on May 02, 2015, 11:30:00 AM
Dhaga jignaanta waa calaamad la arko haddii dhaawac uu gaaro unugyada mqalka u qaabilsan ee dhagaha, waxa keeni karo waxaa ka mid ah hadduu kugu raagay caabuqa dhagta ku dhaco ee loo yaqaano "Otitis Media" oo halkaan aad ka akhrisan kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,546.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,546.0.html)

Sida aad tilmaantay xanuunka wuxuu kugu bilawday adigoo yar, marmarka qaar waxaad dareentaa in hal dheg maqalkeeda uu ficnaanayo, dheecaan badane waad yeelataa.
Waxaa laga yaabaa xilliyada hargabka inay kaaga sii daraan oo maqalka sii daciifo, sdiaa awgeed waa muhiim in aad la xiriirtid takhtar E.N.T ah si loo eego dhegaha gudahooda haddii ay jiraaan dheecaan dhex fadhiyo, haddii xuubka maqalka u udilaacsan yahay, haddii wax ka soo baxay uu jiro iyo haddii cilald kalaba ka jirto.

Waa laga yaabaa in la xallin karo arintaada, inkastoo caabuqa ku dhaca bartamaha dhegta markuu raago ay dhib noqoto si loo baa'biyo, laakiin dadka qaar way ka caafimaadaan.

Haddii maqalka oo sidaa sii ahaado, waxaa laguu qori karaa samaacado codka kuu dheeraayo oo aanan la dareemi karin in ay ku xiran yihiin waana qasab in marka hore aad takhtar aragtid.

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.