Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on August 11, 2011, 09:51:23 PM

Title: Su'aal: Waa maxay cudurka Gondhalaariya?
Post by: CilmiSabca on August 11, 2011, 09:51:23 PM
Asc dhaqaatiirta iyo aqyaarta sharafta leh. Bacda salaam. Doctor su'aal ayaa iga fuqi la' su'aashu waa cudurka Gondhalaariya, cudurkaan calaamadihiisa waxaan ku aragnay, marka hore Qanjirada qalka, kuwa qoorta, kuwa qarqarada (garbaha), kuwa kil kilaha, docaha naasaha & meelahaas qaarka sare ah oo uu bar bariyo ka dibna uu kolba mid qarxo dheecaamo isku qasana uu soo daayo, sida malax iyo dhiig mix isku ah. Haddaba Doctor waa maxay cudurkaan cudurada uu ka farcamo ama uu la groupka yahay? Dadka badan oo uu ku dhacay waxay yidhaahdeen waa TB-da qanjirada, waxaanu qofka ku reebaa raad aan la mahdin. Ayadoo dadka qaarkood lagu daweeyey gub gubis, sar sarid iyo dhir mar marin IWM. Marka  dhaqtarow maadaama ay su'aashani in badan igu war wareegtay fadlan faahfaahin badan naga sii cudurkaan iyo qaababka loo daaweyn karo, calaamadihiisa sida loo garto iyo wixi la halmaala. Jawaabtaada aad baanu u sugeynaa. Mahadsanid. Wabilaahi Towfiiq. Ramadaanul Kariim.
Title: Re: Su'aal: Waa maxay cudurka Gondhalaariya?
Post by: SomaliDoc on August 21, 2011, 12:34:19 PM
(http://somalidoc.com/Topics/gondhalaariyo.png)

Gondallaariyo ama waxa caafimaad ahaan loo yaqaanno "Scrofula" waa tiibiida ku dhacdo qanjirrada kuwaas oo ugu horreeya kuwa qoorta, kilkilaha iyo meelo kalaba.

cudurkaan maahan mid cusub waa cudurrada faafo midkii ugu horreeyay oo la ogaado waxayna reer galbeedku aaminsanaan jireen in boqorrada kaliya ay daaweeyaan cudurkaan.

Gondallaariyada waxaa keeno bakteeriyada qaaxada keento ee la yaqaanno, waxaana loo kala qaadaa sida tiibiida loo kala qaado.
Tiibishada ma keento gaajo, jug ama qabow kugu raagay ama ee waxaa keeno jeermis il ma aragto ah oo lagu kala qaado neefsashada, daawane leh.

Astaamaha cudurkaan waxaa ka mid ah:

Cudurro badan ayaa qanjirrada barariya sida kansarka, infekshanka bakteeriyada cadiga ah, Aydhiska iyo cudurro kalaba.

Cudurka gondallaariyada waxaa lagu gartaa baritaanno dhowr oo ay ka mid yihiin:

Cudurkaan waxaa lagu daaweeyaa kaliya daawada loo qaatoo qaaxada ee la yqaanno taasoo ah dhowr daawo oo loogu talagalay oo la sku qaato laakiin muddada la qaadanayo ayaa ka dheer midka qaaxada.
Qofkii qaata daawadaan wax cudurkani uu ku reebayo haba yaraatee ma jirto oo wuu baab'aa dhamaantiis.
Haddii aan la daaweynin meeshii waxay noqotaa meel dheecaan iyo malax si joogto ah uga socoto oo boog leh mar mar dillacda.
Fadlan baro oo ogow in cudurka gondallaariyada aanan gubis iyo tuujis midnaba lagu daaweyn ee u baahanyahay kaliya daawada tiibiidka.

Aqoon u yeelo cudurka Qaaxada ama Tiibishada (Tuberculosis) (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,266.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Su,aal ku saabsan Gondhalaariya?
Post by: Abdulkadir1 on July 14, 2020, 02:08:10 PM
Waxan akhristay cashirkaa gondhalaariyaha ku saabsan, hada kahor anoo somalia jooga ayuu igu dhacay oo qoorta fin igaso baxay dhakhtarkan tegay 6 bil oo keliyan dawada qaatay hada yurub ban jooga dhawr marban dhakhtarkayga usheegay inay marhore igu dhacday hadana aan iskaga shikisanahay inay iguso labatay baadhitaano farabadan oon maray waxba waa layga waayay xataa 2 marbaa raajato laysaray anuuse waxan dareemaaa mar marka qaarkood qoorta inuu fin yariis ihi i dhex socsocdo. Maxa xala oon sameeyaa markaa dictor?