Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qeyscade1 on January 16, 2013, 02:41:05 PM

Title: SU'AAL: WAA MAXAY typhoid H ?
Post by: Qeyscade1 on January 16, 2013, 02:41:05 PM
Asc waan idin wada salaamay dhamaan dhaqaatirka beejkaan nagu caawiyay inaan ku weydiino macluumad badan ana ka faa,ideysano inoo sahlay sidaa awadeed  marka hadan u guda galo su,aasheyda ah waxaan malin dhexda ah i diray dhaqtarkeyga dhiigag  kadib waxan soo qaday jawaabtii dhiga waxayna u qorneyd hadan soo koobo sidan
typhoid O  ------------- negative
typhoid H  -------------POSITIVE 1:80
 marka waa maxay tifo h muxuusa i dhimi karaa  naf ahaanteyda wana mahadsantihiiin
Title: Re: SU'AAL: WAA MAXAY typhoid H ?
Post by: SomaliDoc on March 17, 2013, 12:44:44 AM
Tiifow waa cudurka loo yaqaano "Typhoid ama Enteric Fever".
Tiifowgu waa cudura ay keento bakteeriyada loo yaqaano "Salmonella typhi".
Tiifowgu wuxuu ka mid yahay cudurada dilaaga ah ee ku dhaca ilmaha in laga talaalane ay waajib tahay.
Tiifowgu waxaa ku qaadi kartaa adigoo  cuna ama caba cunto wasaq ka soo gaartay saxaro ama kaadi.
Tiifowga calaamadihiisa waxay bukaanka ka soo muuqdaan 1 ilaa 3 usbuuc ka dib markii cudurku uu qaado, taasoo kala duwan qatarteeda.
Tiifowga calaamadihisia waxaa ka mida ah: qandho ama xumad siyaado ah, tabar darri, madax xanuun, saxaro adeyg ama shuban, feeraha oo fidhidhicyo gaduudan kaaga soo baxaan iyo beerka ama beer-yaraha oo barara.
Tiifowga waxaa algu daaweeyaa antibayotik, inkastoo daawooyinka qaar ay lid ku noqoto bakteeriyada keento cudurkaan.
Dadka cudurkaan sida waa in laga mamnuucaa cunto geynta ama qeybinta khaas ahaan kuwa ka shaqeeya biibitooyinka ama maqaayadahaba.
Wixii macluumaat intaas ka badan hadii aad u baahato waad na soo waydiin kartaa