Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdirizak on November 21, 2011, 05:01:46 PM

Title: Su'aal: Dhibaato intee le'eg ayay keeni kartaa Cirbada Barida laysaga dhufto?
Post by: Abdirizak on November 21, 2011, 05:01:46 PM
A-s-c. Dectors..

Mudo haatan laga joogo qiyaastii 6-Billood aan u tagay dhakhtar wuxuuna ii qoray irbado noocoodu yihiin.
 
A- ADENOSIN FORTE ( Injection)
B- DICLOFENAC VOLTERN 75mg (sodium injection).

 Labo maalmood kahor ayaan waxaan xannuun ka dareemayaa qayb ka mid ah barida korkeeda qaybta lafta ah iyo meesha uu ka laabmo ruugu ee qaybta hoose, murqaha lugtana waxaad moodaa in layga soo hayo..
inta badan waxay i xanuunayaan markaan salaada ku jiro ee aan ka caayo fariisanaayo iyo marka aan hurdada ka soo kaco gaar ahaan markaan fadhiga aan aad ugu daaho..

                                 marka bal arintaas war iga siiya.

                                                   w-c-s Dectors
Title: Re: Su'aal: Dhibaato intee le'eg ayay keeni kartaa Cirbada Barida laysaga dhufto?
Post by: SomaliDoc on November 21, 2011, 10:18:24 PM
Cirbada barida la isga haddii ay tahay mid muruq loogu tala galay waxay u baahantahay duriddeeda aqoon, maxaayeelay haddii qof aan khibrad u lahayn ku duro dhibaatada ka dhalan karto waxaa ka mid ah: In cirbaddii ay meesha fadhisato, In neerfo barida hoos mara in uu dhaawac gaaro, In lafta sinta ay cirbaddu dhaawacdo, In daawada ku shubanto kalagoyska sinta iyo dhibaatooyin kalaba.
Marmar qaar haddii daawada intii loogu talagalay lagu qasin oo lagu yareeyo way dhib badantahay in muruqa laga dhuugo oo way fadhisataa.

Haddii cirbadda markii lagugu duray ay muddo ka soo wareegatay, xanuunkuna weli ku haayo la xiriir takhtar si loo ogaado dhibaatada ku gaartay iyo sida loo daaweyaba.