Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on September 17, 2018, 08:35:55 PM

Title: Waxa keeno lalabada aroortii la dareemo
Post by: SomaliDoc on September 17, 2018, 08:35:55 PM
(http://somalidoc.com/Topics/lalabo.jpg)

Bismillah,

Casharkeena maanta wuxuu ku saasbsan yahay arrin ku badan bulshada taasoo ku saabsan lalabada la dareemo subaxdii hore illaa barqadii laga gaaro taasoo qofku quraacan karin, sidaasne shaqada ama waxbarasahada ku aado.

Maxaa keeno cilladaan?
Cilladaan waxaa keena dhowr arrimood oo kala duwan, waxaana u kala hormarin doonnaa sida ay ugu kala badan yihiin bulshada iyo mid walba sida loo la tacaalo.

Maxay dadkaan u dhibsadaan macmacaanka?
Sida caadiga ah markuu qofku lalabao dareemayo ma awoodo inuu wax macaan ah cuno ama wax caano ku jiraan ama laga sameeyay sababtoo ah lalabada ayay ku sii siyaadiyaan ee maahan astaan u gaar ah xanuun gooni ah. dadkaan waxaa lagu la taliyaa in quraacda ka hor ay cabaan shaah lagu kariyay sanjabiil, maadaama lalabada uu joojiyo, rabitaanka cuntadane uu furo.

Sidee ku ogaan karaa cilladaydu nuuca ay tahay?
Waxaad ku ogaan kartaa adigoo dhakhtar taga, iskana baara saxarada iyadoo laga fiirinayo jeermis iyo gooryaan intaba, haddii saxaradaadu nadiif tahay, fadlan raac talooyinka kale ee kor ku xusan, haddiise ay cillad jirto waa in daawo lagu siiyaa, dadka kula noolne iyagane ka hortag la siiyaa.

Haddii aad su'aal kale qabtid ama faahfaahin u baahan tahay iigu soo dir qeybta su'aalaha ama boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)