Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on February 03, 2011, 08:12:59 PM

Title: Qaniinyada iyo Xagashada Xayawaanka
Post by: SomaliDoc on February 03, 2011, 08:12:59 PM
Haddii ilmahaaga uu qaniino ama xagto xayawaan, waxa dhici karta in dhaawacu caabuqo/fashfasho. Isla markiiba nadiifi dhaawaca oo sida ugu dhakhso badan u raadi gargaar caafimaad. Xiitaa haddii xayawaanku yahay xayawaanka guriga qoysku ku rabaayadaysto, waa inaad raacdid talaabooyinkan soo socda:
1. Si fiican dhaawaca ugu dhaq saabuun iyo biyo.
2. Cadaadis saar aagga si loo joojiyo dhiigga.
3. Marka dhiiggu joogsado, dhaawaca mari burcad/bomaato ah antibiyootig sida Neosporin.
4. Meesha la qaniinay ama la xagtay ku dabool faashad nadiif ah.
5. Raadi gargaar caafimaad isla maalintaa haddii ay suurogal tahay.

Qaniinyada bini’aadanka waa in lagu sameeyo midlamid ah, gargaar koobaad iyo daryeel caafimaad oo dhakhso ah sida qaniinyada xayawaanka.
Ilmahaaga waxa la siin doonaa talaal teetano haddii aan la siin mid 5-tii sannadood ee tagay.
Raac daweynta uu dhakhtarka ilmahaagu amro. Maalin kasta, ilaa dhaawacu ka bogsado, ka qaad faashadda oo eeg dhaawaca. Ku nadiifi
dhaawaca saabuun iyo biyo maalin kasta oo saar faashad nadiif ah ilaa dhaawacu ka bogsanayo.
Wac dhakhtarka ilmahaaga haddii:
• Dhaawacu leeyahay casaan, barar, diiran yahay marka la taabto, ama uu leeyahay xanuun.
• Dheecaan uu ka socdo dhaawaca ama uu leeyahay ur xun.
• Ilmahaagu leeyahay qandho ka badan 38 darajo C (101 darajo F) oo afka laga cabiray.

Ilmaha ay qaniintay fiidmeer/kibili ama ilmaha seexday qol ay ku jirto
fiidmeer/kibili waa in uu arko dhakhtar.
Ammaanka Marka la’ag joogo Xayawaanka
Bar ilmahaaga inuu ammaan ahaado marka uu ag joogo xayawaanka.
Halkan waxa ku yaala dhawr talo oo ku saabsan sida ammaanka loo baro ilmahaaga:
• Marna ha qashqashin xayawaanka marka uu wax cunayo.
• Ha jiidin dhegaha ama saynta/dibka xayawaanka.
• Si tartiib ah sare ugu qaad xayawaanka.
• Dhaq gacmahaaga ka dib marka aad salaaxdid xayawaan.
• Ha quudin ama cunto ha siin xayawaanka duurjoogta ah ama xayawaanka aanad garanaynin.
• Waa in caruurtaadu aanay gacmaha galinin barkadda ama xerada xayawaanka.
• Waa inay qof weyn u sheegaan haddii uu qaniino xayawaan.
• Xayawaanka ha loo galiyo qool ama xadhig.

Haddii uu ey ku cabsiiyo:
• Marna ha qaylin oo ha ordin.
• Istaag si dhaqaaq la’aan ah adiga oo gacmaha ku haya dhinacyadaada. Iska ilaali inaad eegtid indhaha eyga. Marka eygu kaa daalo, si tartiib ah dib u dhaqaaq ilaa eygu kaa qarsoomayo.
• Haddii eygu kusoo weeraro, jaakitkaaga, boorsada buugaagta, ama wax kale oo kasta, ha idiin dhexeeyo adiga iyo eyga.
• Haddii aad dhacdid ama uu dhulka kugu tuuro, isku duub sida kubad/banooni oo kale iyada oo gacmahaagu saaran yihiin dhegahaaga hana dhaqaaqin. Isku day in aadan qaylinin ama aadan is rogrogin.
• Markasta socod kaga fogow haddii eygu uu gurxamayo ama uu bilaabo inuu gurxamo marka loo soo dhawaado. Marna ha cararin!