Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on August 24, 2016, 02:41:06 PM

Title: Su'aal: Waxaan ahay qof caba sigaar?
Post by: Abdi21 on August 24, 2016, 02:41:06 PM
Asc walaalayaal waxaan ahay qof caba sigaar waxaan aad u dareemaa madax wareer marka aan sigaarka cabana waxaan dareemaa gubasho laabta ah isla markiiba tan kale waxaan qabaa asma waxan qaataa daawada asmada hadana waxaan qunfacaa wax aad moodo xabagta caadka oo cad cad yar yar  ah gacmaha iyo lugaha waan ka dhididaa maxaa talo ah oo aad isiin lahaydeen
Title: Re: Su'aal: Waxaan ahay qof caba sigaar?
Post by: CilmiSabca on August 25, 2016, 12:02:53 PM
Talada ugu fiican waa in aad joojisaa cabista sigaarka, sigaarka marka la eego xaaladdaada wuu kaaga sii darayaa.
Si aad u joojiso sigaarka, marka uu ku qabto u baahasho sigaar cabis, waxaad isticmaashaa xanjo kuleyl.
Title: Re: Su'aal: Waxaan ahay qof caba sigaar?
Post by: Abdi21 on August 25, 2016, 12:14:36 PM
Waad ku mahadsan tahay doctor lkn iima aadan sheegin waxa aam moodo xabagta oo kale ma cilad kalaa mise waa asmada
Title: Re: Su'aal: Waxaan ahay qof caba sigaar?
Post by: SomaliDoc on October 16, 2016, 06:35:46 PM
Sigaar cabista waxay keentaa xanuun loo yaqaano "COPD", waa xanuun ay isku astaan yihiin neefta, ka akhriso halkaan farqiga u dahxeeyo labadaan cudur: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6151.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6151.0)