Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Farhiya12 on August 24, 2016, 11:09:34 PM

Title: Su'aal: Murqo xanuun, Xaglo xanuun, Seedo xanuun iyo Togtognaan?
Post by: Farhiya12 on August 24, 2016, 11:09:34 PM
asc doctor.
cimrigaaga iyo aqoontaada allaha ku barakeeyee waxaan hooyo soomaaliyeed oo hal sano iyo bar xanuunsaneed. waxaan jiraa 55. xanuunkeeygana waan la garan layahay.
waxaan maray baritaan badan cudur laigu sheegayna majiro. waxaa laiga baaray kaadi mareenka, caloosha, scan madaxa, Nasaha, qeybta dumarka (cervical cancer) dhiig kar, sokor, TB, dhiiga guud,  rheumatism, wax kasta waa ok.
xanuunkeyga waaa sidan.
waxaa  laiga hayaa dhinica bidix oo dhan, waxaan dareemaa tightness iyo xanuun faro badan oo murqaha ah,  xanuun xaglaha( meesha jilibka ka laamo), xaga garabka  bidix oo xanuun iyo tight ah, murqaha dhabarka, bowdyaha, muqahaha kalyaha oo diciif ah. muruqa garabka hoostiisa oo i xanuunaya.
waxaa kaloo dareemaa daal badan, tabar dari, xanuun jirka ku faafo, iyo kabaabyo murqaha dhabarka oo sii raaco ilaa lugta.
markuu xanuunka iga bato waxaa iga yimaado dhidid faro badan jirka dhan. mar mar waxaan dareema cuncun. indhaha oo i guduudto oo i xanuuno. dhagaha guduhooda oo i cuncuno(itchy)
waxaan dareemaa in kaadi i hayso ayadoo kaadi i hayn. dhexdayda oo isku soo yaraatay.
marka doctor intuu ilaahay kaa fahansiiyey xanuunkeyga fadlan iga fahansii.
Title: Re: Su'aal: Murqo xanuun, Xaglo xanuun, Seedo xanuun iyo Togtognaan?
Post by: SomaliDoc on October 16, 2016, 06:44:12 PM
Inta aan su'aasha ka jwaabin waxaan jeclaan lahaa in aan ku waydiiyo in lagaa baaray dhowr cillad.
1- Ma lagaa baaray xanuunka thyroid-ka oo mala fiiriyay heerka hormoonka uu marayo khaasatan inuu dhacsan yahay oo kale?
2- Ma la fiiriyay heerka macdanka kaalsiyamta ee jirkaaga ku jirto iyo heerka fitamin D-ga?
3- Ma la fiiriya infekshanka murqaha ku dhaco sida Brucella, Toxplasma?
4- Mise laga qaaday cad murqahaaga "muscle biopsy" lacalla hadduu jiro xanuun qarsan?

Haddii intaas la sameeyay oo jawaabta kulli ay tahay, negative tahay, waxaan u malaynayaa inuu ku hayo xanuunka loo yaqaano "Fibromyalgia" ee fadlan ka akhriso link-gaan waxa uu yahay iyo astaamaha lagu garto: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2543.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2543.0)