Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ilias on June 28, 2017, 08:52:32 PM

Title: Su'aal: Marka uu neefsanayo wuu xiiqayaa?
Post by: Ilias on June 28, 2017, 08:52:32 PM
Asc doc. Wiil ay walshay dhashay oo jira hal bil iyo bar ayaa marka uu neefsanayo xiiqayo (qiiq qiiq qiiq) camal ma badno lkn waa joogto oo maalin walba ah waliba marka uu naaska nuugayo ayuu ugu daranyahay. Cilladan oo kale waxaa leheed gabar ka waynayd oo dhalatay  2013 lkn nasiib xumo way u dhimatay xiiqdaas lkn gabartaas kala go malaheen oo mar walba ayey sameen jirtay xiiqda. Waxaa jira wiil u dhaxeeyo labadooda masha allah aad ayuu u fiicanyahay isaga.Dhaqaatiir cilmi leh ma joogan meesha lkn kuwo nersi ah oo jooga waxay ku sifiyeen inay xabka liqen marka ay dhalanayen. Wiilka yar waxaa u dheer inuu dhashay isaga oo suuxsan.
Doc allah ha Ku barakeeyo ee maxaa xal ah meeshana ma leh dhaqtar caruur ama hospital wayn. Maxaa kaloo ka barnaa inay arintu cudur tahay iyo in kle. Mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Marka uu neefsanayo wuu xiiqayaa?
Post by: SomaliDoc on April 22, 2018, 01:39:20 PM
Waxaa fiicnaan lahayd in cunuga laga fiiriyo sanka iyo dhuunta, kadibne feeraha la dhagaysto, qiiqdaas waxay tilmaan u tahay inuu cabburan yahay, laakiin waxa keenay aragti iyo wiisiteyn ayaa lagu fahmaa. cunugga Allaha caafiyo.