Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on March 13, 2016, 08:27:52 PM

Title: Dooggu Muxuu Caafimaadka u Taraa? - Qoraal Xiiso Leh
Post by: SomaliDoc on March 13, 2016, 08:27:52 PM
(http://somalidoc.com/Topics/doogga.png)

QOraalkaygu maanta waa mid muhiim ah oo aan jeclaan lahaa in qof walboo akhrinayo safiican u dhuuxo.

Ilaahay bini'aadanka markuu abuuray, wuxuu dhulka kula abuuray waxyaabo badan oo isugu jiro waxyaabo nool iyo waxyaabo aan noolayn, sababta loola abuuray waxyaabo badan waan ka ognahay waxyaabo badane way naga qarsan yihiin, waxyaabaha aan ognahay waxaa ka mid ah in lagu intifaacsado sida haddii xoolo yihiin oo kale in hilibkooda la cuno, caanahooda la cabo, dhoqortooda la hugsado, kuwii la raran karane la rarto.

Geedaha sidoo kale waxaan ognahay in loo abuuray in mirahooda la cuno, nolosheenane aan ku kabano sida in aan ka qorano waxyaabaha nolol maalmeedkeena aan u baahannahay, waxaa kaloo loo abuuray in qoraxda laga harsado iyo waxyaabo kale oo la wada ogyahay.

Waxaan ka hadlayaa maanta, sabab ka mid ah asbaabta ilaahay u abuuray cagaarka iyo doogga oo dhawaan bini'aadanku fahmay, taasoo isbadal iyo saamayn wayn ku yeelatay noloshii bini'aadanka khaasatan dhinaca caafimaadka.


Doogga ama cagaarka wuxuu eebe ugu talagalay inuu qofka ka helo nasiino, daganaansho iyo ku riyaaqis uu kaga nasto dhibaatooyinka aduunka markuu daawado ama indhaha ku nuursado, inkastoo la ogyahay in dooggu indhaha u roon yahay, laakiin waxba lagama ogayn isbadallada hoose uu jirka ku sameeyo taasoo ay ka mid tahay isbadal ku dhaco habka jirka u shaqeeyo, walxaha jirka uu soo daayo iyo sida maskaxda farriimada iyo dhambaallada u kala gaarsiiso qeybaha kala duwan ee jirka.

Doogga ama cagaarka oo la daawado ama indhaha lala raaco wuxuu daawo u yahay cudurrada nafsiga, waxaana lagu daaweeyaa cudurro ay ka mid yihiin stress-ka, niyad jabka, isku-buuqa, wuxuu kaloo daawo u yahay ka kabsashada xanuunada culus sida wadna qalliinka, dhaawacyada maskaxda, jajabyada lafaha iyo kakabsashada cudurka Faaliga.

Inkastoo si buuxda aan loo fahansanayn qaabka ay saamayn ugu yeelato iyo xiriirka ka dhaxeeyo doogga iyo bini'aadanka, laakiin waxaa hubaal ah inuu xiriir jiro iyadoo arrintaan lagu ogaaday dhowr cilmibaaris oo kala duwan.

Cilmibaaristaas qaar ka mid ah waxaa la isbarbar dhigay dad loo fasaxay inay indhaha ku nuursadaan doogga iyo cagaarka inta ay isbitaalka ku jireen iyo qolo laga qariyay, waxaa la arkay qoladii cagaarka ku indha nuursatay isbitaalka kuma sii daahin, waxay heleen firfircooni, kalsooni, nabarradiina si dhakhso ah ayay u raysteen, meesha kuwa kale ay yeesheen niyad jab iyo inay dhakhso bogsan waayeen, isbitaalkane ay muddo ku sii jireen.

Su'aashu waxay tahay: sidee cagaarku howshaas u qabtay? illaa iyo hadda jawaab looma hayo arrintaan.!!

Waxaa kaloo cilmibaaris tirakoob ah lagu sameeyay magaalooyinka ciriiriga ka jiro uu dooggu ku yar yahay oo meel kasto dabaq iyo guri iyo warshad laga taagay iyo magaalooyinka cagaarku ku badan yahay oo uu qof walbaa oo ku nool uu helayo fursad inuu helo meel uu doog ku arki karo, kadib waxaa la is barbardhigay tirada dadka isdilo ama nafta iska gooyo, waxayna sadax jibaar ku badnayd qoloda doog la'aantu haysay, sababha loo aaneeyay ayaa waxaa ka mid ah markii la falanqaynayay in dadkaan ay ka go'een qeybo muhiim u ah noloshooda sida cagaarkii iyo dooggii insaanka uusan ka maarmin iyo iyagoo noloshoodii ku soo koobantay dabaqyada dhaadheer ee la saaran yahay iyo darbiyada dhexdooda oo shaqadii iyo noloshii ku soo aruurtay, dabcan way jireen asbaabo kale oo la xusay.

Cilmibaaris intaa ka badan kadib, waxaa go'aan lagu gaaray in isbitaal walba uu yeesho meel loogu magac daray "Healing Gardens" ama darjiinnada daawada leh, waa meelo wada doog ah ama cagaar ah oo bukaannada loo soo bixiyo si ay u qaataan doose-kii ama cabbirkii doogga ay u baahnaan lahaayeen maalin walba!!.
Waana arrin hadda la wada qaatay oo isbitaal walba oo wayn waad ku arkaysaa darjiinnada noocaas ah.

Intaas waxaa ka soo baxay diraasado kale oo iswaydiisay, dadka miyiga dagan oo noloshii dabiiciga ahayd ee bini'aadanka loogu talagalay ku nool in uu alle ka badbaadiyay cudurradii loo yaqaanay "cudurrada casriga" kuwaasoo ay ka mid yihiin: dhiigkarka, sokorowga, kolestaroolka, wadna qabadka, faaliga iyo kuwa kale oo badan, sababtu talow ma nolosheennii oo aan badalnay miyay salka ku haysaa mise arrimo kale ayaa jiro?!!

Dabcan faa'idada doogga iyo cagaarka kama marno sababtoo ah, dhiigkarku wuxuu ka mid yahay, waxyaabaha dooggu uu saamayn ku leeyahay markii laga hadlayo isbadallada jirka ku dhaco maxaayeelay dooggo wuxuu hoos u dhigaa cadaadiska dhiigga, wuxuu hoos u dhigaa heerka sonkorta, wuxuu hoos u dhigaa heerka dufanka jirka, wuxuu kaloo dabiici ku soo celiyaa heerarka hormoonnada kala duwan ee jirka.

Marka akhristow, haddii aad u fiirsatay reer galbeedka, qiimo wayn ayuu cagaarka iyo dooggu ugu fadhiyaan, markii ay fursad helaan oo ay fasax ka qaataan shaqadooda, maxay magaalooyinka uga tagaan oo ay u aadaan dhul cagaar ama doog ama xeeb leh? sababtu waa in naftii ay hamuun u qabto noloshii asaasiga ahayd oo laga xarrimay, markaas ayuu qofka wuxuu dareemaa dareen aan la soo koobi karin.

Qofkii ku soo koray ama ku soo noolaaday magaalooyinka waawayn oo malaayiinta qof ku nool yihiin uu dhulkiiba cariiri noqday, meeshii boos ka banaanba dabaq laga dhisayo wuu fahmi karaa baahidaan doogga loo qabo inta ay la egtahay.

Talada qoraalkaan aan kala soo dhex baxayno waxay tahay in doogga iyo cagaarka aan nolosheena qayb ka siinno, annagoo guryaheena ku samaysanno jardiin si aan nafta ugu raaxayno oo wixii ka maqan ay uga hesho, sidaasne aan ku helno caafimaad aanan la dareensanayn inuu alle noo dhigay qeybta dambe ee guryaheenna, waa haddii aan ku talagalno.

Waxaan kaloo ku boorin lahaa qolooyinka isbitaallada dhisto ee wadanka joogo in ay qeyb ka mid ah isbitaalka ay u yeelaan doog iyo cagaar bukaannadu ay ku daawoobaan, xittaa haddii aad ganacsi ahaan u fakaraysaan, waxaad ogaataan in isbitaallada doogga leh laga jecel yahay isbitaallada kale.

Fadlan bilow ololo aad gurigaaga ugu yeelayso doog si adiga iyo ubadkaaguba ay faa'ido jir iyo mid nafsi ahaanba uga heli lahaydeen.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Dooggu Muxuu Caafimaadka u Taraa? - Qoraal Xiiso Leh
Post by: Ahmed_Carab on November 07, 2018, 01:35:29 PM
Mq dhici kartaa in dadka qaar ay xasaasiyad ka qaadaan dooga?