Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on August 23, 2015, 04:41:39 AM

Title: Su'aal: Wadne jiitanka maxaa keeno?
Post by: Abdi21 on August 23, 2015, 04:41:39 AM
Asc walalahayga waxan rabaa in la iga jaahil bixiyo daraad ayaan dareemay in feeraha hoostooda maaso oo kale 1 mar dhag la siinaayo hadana la deeynayo dhanka bidix isla maalintii galabtii ayaan hadana dareemay xanuun iga qabanayo meeshii oo hadana u sii faafaya ama u gudbaya gadaal dhinaca bidix  caawa hadana waxan dareemayaa in wadnaha xanun yar oo dikaan camal ah ama garaac camal ah sida jiiditaan oo kale gaastrick waan qabaa koolbo ma noqon kartaa ama gaska mise waa cilad kale mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Wadne jiitanka maxaa keeno?
Post by: SomaliDoc on August 23, 2015, 02:05:29 PM
Wadna garaac dagdag ah wuu keenaa astaamaha aad dareemayso, waxyaabaha keeni karo gaaska wuu ka mid yahay, welwelka ayaa ka mid ah, daawooyinka qaar ayaa ka mid ah, xanuun wadnaha ayaa ka mid ah.
Waxaa kaloo keeni karo maasadaas aad dareemaysid wadne gariirka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1423.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1423.0.html)

Fadlan la xiriir dhakhtar si loo kala ogaado haddii aad isku sii aragtid calaamadaha aad tilmaantay.