Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ladane on April 15, 2017, 10:32:53 AM

Title: Su'aal: Walaf siigo?
Post by: Ladane on April 15, 2017, 10:32:53 AM
asc dr
waxaan ahey nin dhalinyaro ah muddo siigeysanayay hadda waxaan dareemayaa natiijoyinkii caadadaas xumeyd sida dhabar xanuun biyo bax degdeg ah shaki iyo wasaas niyad jab qoraaladaadii hore waan akhriyay waxaan nolosheyda hadda kula balamey inan joojiyo caadadan waxaan ka codsanayaa inaad i siisid talo dhaxal gal oo an kula dagaalamo caadadan iyo natiijoonkeedii sida cuntooyinka ugu fiican an laasimo iyo daaawooyin wax iga tari kara dhabar xanuunka saaidka ah.
mida labaad miyay keenyaa enfekshtion kaadi mareenka caadadani?
waxaan jecelahey inan kenya so booqdo dr ma tahay macquul inan isbitaalkaga ka helo baaris iyo daweyn?
aad baad ug mahadsantahay dr
Title: Re: Su'aal: Walaf siigo?
Post by: SomaliDoc on August 01, 2017, 08:38:10 PM
Caafimaad buuxa Alle ha ku siiyo, sidaan horayba uga hadlay caadadaan waxaa laga dhexlaa dhibaatooyin badan, waxaana filayaa inaad akhrisatay qoraalkii aan ku faahfaahiyay, haddiise aadan akhrisan, booqo link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2209.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2209.0)

Haddaan u soo laabto sida loola tacaalo dhibaatooyinka ka dhasha, marka hore waa inaad go'aan ka qaadataa sidaad u joojin lahayd caadadaan, iskuna mashquulisaa waxyaabo faa'ido u leh jirkaaga sida soonka, jimicsiga IWM khaasatan mar walba ay kugu soo dhacdo inaad samaysid, midda kale inaad ka fogaatid waxyaabah kugu soo ridi karo ama dareen khaldan kugu abuuri kara sida daawashada filimaanta xunxun IWM.

Midda ku saabsan nafaqada, ma jirto cunno u gooni ah arintaan laakiin cunno walba oo dabiici ah nafaqo iyo caafimaadba jirka way u leedahay khaasatan khudaarta iyo furutada.

Midda ugu dambayso, waa suuragal inuu infekshan jiro maadaama dhabar xanuun aad sheeganayso, wayna dhacdaa in siigaysiga uu qofka unugleeyo infekshanka, qofkane wuxuu markaa dareemaa dhabar xanuun, kaadi olol, qandho wadato dhaxan iyo danqasho bisqinleyda ah.
Akhriso qoraal kuu faahfaahin dono infekshanka kaadi mareenka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3237.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3237.0)