Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ayuup isdabool on December 05, 2016, 08:31:39 PM

Title: Su'aal: Waxaa i haya xanuun oo ah lug iyo gacan?
Post by: Ayuup isdabool on December 05, 2016, 08:31:39 PM
Asc doctors aad bad u mahadsan tihiin waxaan I haya xanuun oo ah lug iyo gacan lugta wn jiida gacantana wn haariya garbahana way kala dheer  yihiin markii aan naxo aad bn u naxaya ka dib lugta aad u nariiraysa oo anoo lugta wadin bay bood boodaysa jirkana wu gariigan waxan jira 19 anoo yar bu igu dhacay xanuunkan waxaan u malayn in seedo I xiran yihiin lugta iyo gacanta kuwa kle way ka duwan yihiin shaqada ay qabanayan lknse waa isku mid xoga surkana qalooc yar ba ku jira garhana sido kle
Title: Re: Su'aal: Waxaa i haya xanuun oo ah lug iyo gacan?
Post by: SomaliDoc on January 09, 2017, 04:39:06 PM
Waxaad u baahan tahay in aad dhakhtar xagga neerfaha la xiriirta si lagaaga fiiriyo haddii cillad dhinacaas jirto, sababtoo ah hal dhinac oo dhacsan ama tacbaan ah waa cillad ka socoto neerfaha maskaxda ama surka, waxaad u baahan doontaa in lagu saaro baaritaano sawir ah.