Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cali nuur on January 08, 2019, 01:57:39 PM

Title: Su'aal: Finan yaryar oo dhalfada iiga soo baxay?
Post by: Cali nuur on January 08, 2019, 01:57:39 PM
Asc bahda somalidoc wan idin salaamaya
Waxaan isku arkay in mudo ah(sanado)
Finan yaryar oo aan wax xanuun ah ama cun haba yaraate laheeyn oo iiga soo baxay dhalfada wax dhaqtar ahna lamaan kulmin sababto ah xanuun ma dareemin ditore marka waa maxay finankaas maxaase u daawo ah teeda kale marnaba ma siyaadan oo halkooda kama bataan mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Finan yaryar oo dhalfada iiga soo baxay?
Post by: SomaliDoc on June 09, 2019, 12:35:04 PM
Inkastoo finanka jirka ka soo baxo ay kala duwan yihiin, aragtine lagu garto, laakiin finanka ugu badan ee xubinta ama qooraha ka soo baxo oo aan xanuunka lahayn waxay ka dhashaan qanjirrada yaryar ee soo daayo saliidda oo afka ka xirma, kadibne fin ayaa samaysmo markaad tuujisidne waxaa finka ka soo baxo wax cad oo aan ur lahayn, waxaana loo yaqaanaa "Sebum" waa dufan meesha ku aruurtay. tan uma baahno wax daawo ah, laakiin waa in nadaafadda ku dadaashaa.

Hadduu finkaasi ka duwan yahay kan kugu yaallo fadlan la xiriir dhakhtar.