Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sahroyariisey on March 05, 2019, 03:10:25 AM

Title: Su'aal: Waxaa igu dhacay bad breath?
Post by: Sahroyariisey on March 05, 2019, 03:10:25 AM
Asc doctor
Ilahey ajir Haka siiyo cawinta
Umada aad cawineyso
Dr. Dhib ayaa iheesto mudo 3 years waxa igu dhacay bad breath  waxa ku nolahay wadanka jarmalka daqatiirta waa isku dalnay dr ilkaha 3 mar aya utagay 3 daqtar oo kal badlan kan dunta iyo dhagaha afka qabilsan tiro malahan inta aan utagay xata qumanka ayago ixanuuneyn waa iska bixiyay
 3 mar tubada calosha aya ley gilyay  lamo altrsound aya lee saaray midka tubada aya hplr iga helay dawo antibiotics 14 days ah ayaa qatay ka bacdi saxarada aya leyga baray nagativ aye  noqotay  ilaa hada afkeyga saaid ayow u ora cidna ima ag fadi karto dr keyga qaska aha waxow igu dhahay waxba kama qabo karo wax walbo waan ku qabatay  xata cafimad guud waan  maray
Wax talo ah cawi taan ah aya u bahanahay Heer waxa gaaray  mudo lix bil ah dadka waan ka goay si maska xiyan ah ayow Nolasheda af urka u saameyay
Title: Re: Su'aal: Waxaa igu dhacay bad breath?
Post by: SomaliDoc on December 01, 2019, 01:55:40 PM
Walaalow Allaah ku caafiyo marka hore, midda xigta waxa ugu badan ee keeno af-shiirka waa qofka oo maskaxiyan u aaminsan ama uga dhaadhacsan tahay inuu afka ka urayo, maskaxdane u sawirayso inuu ur dareemo, baaritaan walba oo aad samaysane waxba laguma arki doono, marka taladaydu waa inaad nafataada la dagaashaa si arintaas maskaxda uga saari lahayd, waana arrin dhib ku haysa dad badan bulshadane ku badan, qarash badanne kaga baxdo iyagoo raadinayo inay ogaadaan waxa urka u keenayo.

Walaal haddii aad aamintid inaysan cillad jirin oo maskaxdaadu uun ay tahay waxa aad urinayso, welwelka aad dareemaysid wuu kaa yaraanayaa, bulshada aad ka dhex baxaysidne wuu kaa go'ayaa, culeyska ku saaranne wuu kaa dagi doonaa..

Dad sidaadoo kale oo soo daalay, waan la kulmaa dhowr-kii biloodba mar, qaar baa safarro dhaadheer u gala arintaan marka ugu dambaysane iska quusta. laakiin xalku wuxuu ku jiraa gacantaada.