Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdidheeere on August 13, 2011, 05:48:48 PM
-
asc walaal wana idin salaamay dhaqaatiirta sharafta leh ee noo hagar baxaya walal su'aasheydu waxaa weeye waxan jiraa 27 yaraateydii waxaa ibarari jirtey xiniinta bidix mar mar wayna iska raysan jirtey mudo sanada ah isku man arag saaka ayan iyadoo ixanuunaysa soo kacey ilaa gumerkana xanuun ayan kadareemayaa waxogaa olol ah marka walal maxaad u malayn haysaan ad ayan idin salaamay wax galmo ahna masameyn waqti dheer calool istaag waan leeyahay xanunka ka hor iyo gas asc
walal faah faahin ayan idin ka sugayaa wabilaahi tow fiiq
Asc walalal aad ayad u mahadsan tahay dr ilaahay kumanka naarta laga xoreyn hakugu daro walal, walal xiniinta modo hore ayay i barari jirtey laakin in mudo ah isku ma aran mudo 10 cisho laga joogo ayay xanuun saa id ah keentey waxaan la xiriiray dr waxuu iidiray baadhitaan conputer ayaa xiinta la iga bariyey waxuu sheegay in ay jiraan small Varicocele xanuunka ilaa gumeerka sare waa ixanuunaa ilaa dhinaca bidixda ee misikta ilaa dhabarka dr maxaa igula talin lahayd xanuunkan xaalkiisa isoo faah faahi iyo daawadiisa qeer ilaahay haku siiiyo asc
-
(http://somalidoc.com/Topics/varicocele.png)
Cudurkaan waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa "Varicocele", waa bararidda arooriyaasha dhiigga ee qooraha, haddii xididka arooriyaha (Vein) uu dhiigga safiican uga saari waayo qooraha waxay keensanaysaa in dhiig badan xididada ku aruuraan oo ay fadhiistaan taasoo barar burtuqyo oo kale uga muuqanyso xaniinyaha korkooda iyo gadaashoodaba.
Varicocele wuu ku dhacaa hal xiniin ama labadaba, laakiin boqolkiiba 85% wuxuu ku dhacaa xininta bidix maadaama xididka arooriyaha bidix uu ka cadaadis badanyahay kan midig, dhiiggane toos ugu shubo arooriyaha weyn oo sida tooska ah u taga wadnaha.
Xanuunkaan Varicocele waxaa lagu tiriyaa xanuunada ragga u keena madhalysnimada, waxaana lagu qiyaasaa boqolkiiba 15% sababaha ragga madhalaysnimada u keena, waxayna ka timaadaa unugyada dhalmada qaabilsan oo howlgaba, sababtuna waaa heerkulka dhiigga xiniinta ku raagay oo sarreeya, heerkulkaasi wuxuu yareeyaa tirada iyo tayada shahwada.
Sababta xanuunkaan loogu baraarugo waqti dambe waa iyadoo aysan jirin calaamado qofka walaac ku abuuri kara sida xanuun, daqnasho, isbadal muuqaal wayn IWM, Cilladaani si kadis ah kuma timaado, muddo ayay qaadataa inay samaysanto, midda kale qasab maahan qof walba oo astaamahaan isku arkay inuu madhalays noqonayo.
Xididada arooriyaasha Alle wuxuu ku dhex abuuray wax loo yaqaano Haniye (Valve) oo howshoodu tahay in dhiigga uusan dib ugu soo laaban meesha uu ka baxo, cilladaani waxay timaadaa markuu haniya shaqayn waayo ama daciif noqdo, taasi ayaa keento in dhiigga mar walba dib u soo laabto oo xaniinta ka bixi waayo.
Calaamdaha lagu garto cudurkaan waxaa ka mid ah:
Badanaa calaamdo ma lahan dadka qaba cilladaan, laakiin waxay dadka qaar dareemi karaan xanuun xaniinyaha ah, culeys laga dareemo xiniinyaha, xiniinta oo baaba'do ama yaraato muddo kadib iyo xididada bararkooda oo soo kordho.
Sidee loo hubin karaa xanuunkaan?
Waxaa xanuunkaan lagu garan karaa xaaladaha qaarkood wiisito muuqaaleed, laakiin markii bilaw ay tahay oo aad u yartahay waxaa lagu ogaadaa baaritaanno ay ka mid tahay:
- Ultrasound kalarka ah (Doppler Ultrasound).
- Baaritaan heerkulka xiniinyaha.
- Baaritaan xididada arooriyaasha.
Waxaase ugu muhiimsan baaritaanka ugu korreeya, waana muhiim in cilladaan laga sooco dhowr xanuun oo badanaa lagu qaldo waxaa ka mid ah Eeranada qoraha gasho (Scrotal hernia), Biyaha xiniinyaha galo (Hydrocele), Jugta xiniinyaha gaarto (Testicular hemorrhage or hematoma), Caabuqa xiniinya ku dhaca (Orchitis) Iyo kuwa kale oo badan.
Sidee loo daaweeyaa cilladaan?
Haddii aadan xaas lahayn, wax xanuune aysan kugu hayn ama baaritaanka shahwadane ay normal tahay ama caruur aad dhashay, wax daawo ah uma baahnid, waxaana cilladaan ay ku badan tahay dadka caatada, da'dooduna u dhaxayso 15 illaa 25 sano.
Haddii xanuun uu jiro ama shakki madhalaysnimo ay jirto ama cabsi alga dareemo baaritaanka shahwada, waxaa qofka lagu sameeyaa qalliin haddii loo yaqaanno "Varicocelectomy" taasoo lagu xirayo xidddada jiran.
Farsamooyin qalliin kale way jiraan oo loo adeegsado xaaladdaan, taasoo hadii aad u baahatid kaala hadli doono dhakhtarkaaga.
Xanuunkana ma soo laaban karaa?
Rajada ka soo kabsashada xanuunka waa mid fiican inkastoo boqolkiiba 5% ay soo laabato ama dhici karto ina xaniintu ay biyo galaan taasoo isku badasho xaalad kale oo loo yaqaanno "Hydrocele" tanne qalliin kale oo sahlan ayaa lagu saxaa iyadane.
Haddii aad u baahan tahay faahfahain dheeraad ah ama xiisaynayso inaad dhakhtarka toos ugala tashatid cilladaan, waxaad ka faa'idaysan kartaa barnaamijka la sheekeysiga dhakhtarka, adigoo massage noogu soo dira boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)
Caafimaad buuxa baan idiin rajaynayaa.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
-
asc walaal aad ayad u mahadsantihiin sida fiican eed iiga soo jawaabteen qeer ilaahay ha idinka siiyo walal waan fahmay marka walal
xanuunka joogto ayuu iihayaa waliba xiniinta kale xataa waa iga xanuuntaa in kasta oosan iyada xidideeda dhiig fadh fadhiyin marka walal su'aasheydu waxeytahay xiligan ma awoodo qaliin
xaalado dhaqaale marka maxaan xanuunka ku dhimi karaa walaal aad ayad umahadsantihin baara kalaahu fiikum drs asc
-
Heerka uu marayo xanuunkaaga iyo in aad qalliin ka badbaadi karto waxaad kala tashataa takhtarkaaga si laguu baaro loona ogaado.
Mahadsanid
SomaliDoc
-
asc waan idin salaamy sharaftaleh walaal waxaan qabaa xanuun kaan varicocele waxaa la igu samayeeyey qaliin xiniinta bidix ah 7 sano kadib ayaan dr u tagay india waa la isaaray altrasound 2 bada xiniiyoodba natiijada waxay noqoty inuu wali cudurka jiro lkn labada xaniiyoodba uu ka jiro marka wuxuu dhahay dr ka waxaan kuu dirayaa semen analysis hadii sperm kaaga uu ok noqdo ooma baahnid qaliin resultgii semenka wuxuu noqday 32% wuxuu dhahay ooma baahnid qaliin daawana kuma siinayo ee bax iska tag marka xiniinta midig ayaan wax yaroo gubosho ah markaan aad u kacsado oo ay biyo iga imaan .......marka maxaad igula talin laheedeen/\?....
waad mahad santihiin
-
Sida aan kor ku soo xusay, xanuunkaan Varcocele ama xidido bararka xiniinta wuxuu keenaa madhalaysnimo, waa haddii uu dhaawac gaarsiiyo unugyada soo saarayay shahwada, sidaa darteed ayuu takhtarka shahwadaada u baaray, inkastoo 32% aysan cadayn waxa aad ka wadid, maxaayeelay baaritaankaan qeybo badan ayaa laga fiiriyaa shahwada oo jawaabta way ka badan tahay warbxinta aad noo sheegtay.
Tusaale ahaan sida jawaabta semen analaysis loo soo qoro, halkaan ka akhri: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5340.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5340.0.html)
Haddii jawaabtaada oo dhameestiran heli karno waa laga yaabaa in aan kuu fasirno jawaabta uu takhtarka kuu siiyay waxa uu ula jeeday iyo wixii talo habboon inaad samayso.
Caafimad ayaan kuu rajaynayaa.
-
aasc walaal wana idin salaamay dhaqaatiirta sharafta leh ee noo hagar baxaya walal su'aasheydu waxaa weeye waxan jiraa 24 yaraateydii ilaa iyo hada waxaan xaninta bidix kuleyahay burtuqyoyar xanun ma igu heyso. burtuqyadaas malintaan arkaayay ilaa iyo manta wax is badal ah ma ku arkin burtaqyadas markaan jiifo mala arko macni maqaban kartit . marka maxaa igula talin laheyd . max xas ahna ma lihi .
dhanka hamiga raga waa okei.
-
Sida aad u sheegeyso waxay u badan tahay in xanuunkaan aan kor ku soo xusnay oo yar inuu ku hayo, wayna dhacdaa, dhib hadaysan kugu haynin, hal xaniin ay tahay, weligeedna intaas ay la ekeyd oo aysan burtuqyada sii siyaadin, wax dhib ah ma lahan.
Mida u baadan in wax laga qabto waa mida aan kor uga shekeynay.
Sababta aadan u qaban karin markaa jiifatid waxaa waaye in qulqulka dhiigga ee xididada ka soo buuxsamay ayaa dib ugu laabanaya xididada waaweyn ee caloosha sidaa ayay burburtuqyada u yaraanayaa, haddii aad istaagtid ama fadhiisatidne dib ayay ugu soo laabanayaan meeshooda.
-
sax waye Dr markaan is taago waa isku arkaa . lkn xanun oo mel dher ah ayaa mar mar ka daremaa mida bidix tan midigna markaan taabto xanun damqasho cml ah daremaa . labada xanin waa isla egyihiin markii laga reebo burtuqyada-
nigisyada igu dhan ma wadan karo sababtoo ah xaninyaha ayey iga qabanayaan.
dhaqtarka in aan u tago oo is baro ayaan rabaa .
intas yar oo biloga ah soo malaga hortagi karo.
-
Waa fikrad fiican, takhtar la xiriir si uu fikrad buuxda kaaga siiyo dhibaatada aad dareemeyso.
-
asc waan salaamayaa dhaman dhaqaatiiirta hadii qofku qabo xanuunka Varcosele ama xidida bararka looyaqaan hadii uu dhakhtar u tago oo la baaro ma dhalees inuu yahay miyaa jawaabta soo baxdaa? mise rajo ayuu leeyahay uu ku dhalo wad mahadsantihin.
-
Qasab ma ahan qof kasto oo qabo Varcocele in uu ma dhalays yahay, hadduu xanuunka raago, wuxuu saameyn karaa unguyada shahwada, in iyaga la baaro ayaana lagu ogaan karaa in aad ma dhalays tahay oo shahwadii soo saaristeeda yaraatay iyo in kale, laakiin baaritaanka lagu ogaado varicocele-ka sida in la saaro computer oo kale ma lagu ogaado madhalaysnimo.
-
Aad ayad u mahad santihiin waxan idin waydiin lahaa sababta keenta xiniinyo bararka Varcocele ma xididada oo howl gabaa mise waxaa keena xanuun ku qabta oo aad dareemayso oo asal ka yimi galmada ama siigada intee ka bilaabmaa xanuunkan markiisa hore mise hal mar ayad isku arkaysaa xaniinyaha oo bararay?
-
Varicocele badanaa ma lahan xanuun qofka qabanayo oo uu dareemayo, mana ahan xanuun galmada la xiriiro waa cillad ku timid xididada qooraha oo aanan dhiiga qulqulkiisa wadi karin oo keenaysa inay bararaan oo dhiiga ku haro.
Asalkiisa wuxuu ka bilawdaa in haniyaha arooriyaasha "Vein valves" oo ah cad yar oo sida carabka oo kale oo eebe ku abuuray darbiyaha gudaha ee arooriyaasha, howshiisane ay tahay inuu ka qeybqaato habsami u socodka qulqulka dhiiga markii ay jiradaan, taasoo keenaysa inuu dhiiga ku aruuro xididada arooriyaasha kadibne ay bararaan.
Waa cillada ku wada dhacda xididada arooriyaasha, gaarne uma ahan xanuunkaan kaliya, dad ayuu kaga dhacaa lugaha, dad ayuu caloosha kaga dahcaa, dad ayuu dabada kaga dahcaa iyo meelo kalaba.
Waxaan rajaynayaa in aad fahantay.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
-
Waxay ku xiran tahay xanuunka inta muddo uu hayay iyo baarista shahwada waxa ay sheegtay baaritaanka ka dib.
Laakiin adiga maadaama baaritaanka waxne uusan sheegin, haka welwelin cudurkaan maxaayeelay ma ahan wax qarsoomi karo.
-
ASC Dr walaal waxa jira wiil ku dhashay asago ay ka maqantay xiniinta bidix waxa uu guursay gabadh waxay is qabaan muddo sanad ah wax caruur ah isumay yeelan
Marka wax saamayn ah ma ku yeelan kartaa xiinta maqani arinta dhalmo la,aanta?
Mahadsanid
-
Dr aad baad u mahadsantahay. Khayr badan Allaha kuugu bedelo shaqada wacan eed Soomaali u hayso. Calaamadahan varicocele eed sharaxday ayaan isku arkay muddo 10 sano ka hor ah. Wax xanuun ah ma lahayn balse burtuqyo ayaan ka dareemay xiniinta bidix hoosna way u dhaadhacday. Warwar badan baan ka qaaday markii aan isku arkay. Ilaa xilligaas waxba iskama bedelin; macnaha xanuun kuma soo kordhin calaamadihiise wali way muuqdaan. Hadda 33 jir baan ahay 6 sano kahorna waan guursaday. Allaah mahaddii 3 carruur ah baan dhalay oo midka ugu yari bilooyin jiro. Maaddaama aan akhristay in xanuunku muddo qaato oo uu aakhirka dhib keeni karo ayaan damcay inaan talo ku waydiiyo. Ma u baahanahay inaan dhakhtar aado anigoon qabin wax dhib ah oon ka ahayn burtuqyo xiniinta bidix korkeeda ah iyo xiniinta oo ka dheeraatay ta kale muddo 10 sano kahor ah ilaa muddadaasna sidaas ahayd?
-
Waad mahadsantihiin bahda somalidoc.com waxaan isku arky aniga cilada ah qoore xanuun waxaa isii dheer in uu labada xanuuniyod midkaa bidix u dheeryahay mida kale markaan kadinayo dheg dheg ayaan dareema waliba xanuun ayaan qooraha ka darema marki aan istaago maxaa jira mala dhihi karaa waa ciladani