Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jamaaluddiin on July 21, 2016, 11:34:47 PM

Title: Su'aal: ku walfida facebookga?
Post by: Jamaaluddiin on July 21, 2016, 11:34:47 PM
dre salaan kadib qoraalkaagii ku walfida dukaameysiga waan akhriyey sidoo kale waxaa jirta ku walfida facebookga dad ayaa ku waashey facebookga waxaad arkeysaa sawiro facebookga la iskula wadaago ay ka mid yihiin gabar dabka wax u saaran facebookga ku mashquuleyso oo wixiiba aan ka warqabin ka gubanaaya iyo gabar markaasi dhashay oo dhaheysa facebookgaan soo dhigayaa ilaah luqunteydii waa ii bixiyey cml iyo dad iyagoo jidka kusocdo ul ku socdo oon waxba arkeynin facebook un ku mashquulsan I.W.L. marka dre taa iyadana maxaa la dhihi karaa
Title: Re: Su'aal: ku walfida facebookga?
Post by: SomaliDoc on September 16, 2016, 08:53:47 PM
(http://somalidoc.com/Topics/walfidda.png)

Bismillah,

Wax waliba isticmaalkooda haddii ay xadka ka baxaan, waxaa yimaado dhibaatooyin badan, taasoo loo saariyo in qofkaasi uu ku walfay waxaas, iyadoo caafimaadkiisa jir ahaaneed iyo maskax ahaaneedba ay kaga muhiimsan tahay isticmaalka waxaas.

Isticmaalka Facebook wuxuu ka mid noqday waxyaabaha lagu walfo, waxaana jiro cilmibaarisyo dhowr ah oo laga sameeyay arintaan, dhakhaatiir ku takhasusay cilmi-nafsiga ayaa waxay diyaariyeen liis lagu qiimeeyo heerka isticmaalkaaga Facebook iyo in aad ku walaftay iyo in kale, waxaana qiimeyntaas loo bixiyay "Bergen Facebook Addiction Scale".
Baahida ku bixisay cilmibaarayaasha in arintaan diraasado laga sameeyo waxay ahayd in dad badan ay caafimaadkooda ku waayeen isticmaalka aaladda Facebook ee aan kontaroolka lahayn, qaar ayaa naftooda is dhaafiyay ama dad kale dhaafiyay si ay asxaabtooda Facebook u raalli galin lahaayeen ama magac uga yeelan lahaayeen ama u tusi lahaayeen inay dartood waxyaabo halis ah ugu dhiiradaan ama u sameeyaan, taasoo astaan u ah nooc waallida ka mid ah.

Akhristow, sidee ku ogaan kartaa in aad ku walaftay Facebook ama aad ku waalantahay?

Illaa 10 waxyaabood ayaa muhiim ah in aad iska fiirisid si aad u ogaatid in aad ku waalaftay isticmaalka aaladda Facebook iyo in kale.


Walfidda heerar ayay kala leedahay, waxaana fiican inuu qofka xad u yeelo wax waliba uu isticmaalayo, waxaa dhici karta in aad gaartid heer aad dagaal ka xigtid in Facebook laguu diido ama waalidkaa aad wax ku gaarsiiso arintaas darteed sida waalidiin badan ay ka soo sheegeen caruurtooda, Fadlan ra'yigaaga ka dhiibo arintaan.

AKHRISO: KU WALFIDDA DUKAAMAYSIGA: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7259.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7259.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)