Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamed saxane on January 30, 2016, 10:08:58 PM

Title: Su'aal: Candhuufta qaraar subaxii?
Post by: Mohamed saxane on January 30, 2016, 10:08:58 PM
Waad mahadsan tihiin dhaqtarka iyo bahda somali doc

Waxan isku arkay subaxii marka ugu horreyso een tooso iyadoo afka iiga buuxdo
Candhuuf qaraar oo ur yar leh isla markaana yar cad sida badhaxa marmarna caylan yar casuus leh,
Markaa dhaqtar iiga soo jawaaba anigu waxan u qaatay inay Gaasterig tahay lkn iskama baarin daawo gastritis weli ma qaadan.

Waad mahadsan tihiin
Title: Re: Su'aal: Candhuufta qaraar subaxii?
Post by: SomaliDoc on February 06, 2016, 04:49:20 PM
Ma ledahay quuman? ama Infekshan cunaha ah?
Ma leedahay laabjeex iyo bog xanuun?
Ma jiraa wax xanuun oo ilkaha ama ciridka ah?
Title: Re: Su'aal: Candhuufta qaraar subaxii?
Post by: Mohamed saxane on February 08, 2016, 04:47:24 PM
Mahad Sanid  Doctor
Ma lihi  xanuun xaga cunaha ah
Ma lihi xanuun xaga ilkaha iyo ciridka ah
Ma dareemin bog xanuun
Laakiin waxan leeyahay laabjeexa.
Title: Re: Su'aal: Candhuufta qaraar subaxii?
Post by: SomaliDoc on February 08, 2016, 05:31:45 PM
Laabjeexa wuxuu calaamad u yahay gaaska, af-qaraar subaxii hore wuu keeni karaa.
Waxaa kaloo keeni kara haddii calyada afka ay kugu yartahay ama qanjirrada calyada soo daayo aysan sidii la rabay u shaqanayn.
Waxay kaloo ku dhici kartaa haddii aad afka ka neefsatid marka aad jiigto.

Sadaxda xaaladoodba dhib aad u wayn ma keenaan, waxaad u baahan tahay kaliya in ad qaadatid daawo laabjeexa iyo aashitada caloosha kaa yaraynayso.