Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nuur12 on December 17, 2011, 02:40:59 PM

Title: Su'aal: waxaa i xanuunaysa halka garabka midig ku dhamaado?
Post by: Nuur12 on December 17, 2011, 02:40:59 PM
waad salaamantihiin dhamaantiin dhaqaatiirta webkan iyo aqyaartuba bacda salaan dr waxaan qabaa su aal taas oo ah mudo 7 ilaa 6 beri  ah ayaa waxaa i xanuunaysa halkaa garabka midig ku dhamaado ee xaga dhabarka ah waxaad moodo muruq baa igaga taagan waa sidii oof oo kale ama ciriq wax qufac ah ma lihi wax nabar ahna igama dhicin hargab na ma qabo xiliga xanuunkan waa 5 ilaa 6 galabnimo saacada somaliya  wuxuu xanuunkan iga ba ayaa markaan seexdo  waa ilaa 4 ama 5 saac  marba waan qabanayaa  oo jimicsanyaa anoo danaynaaya duugus ama tuujin meeshu u baahan tahay  dr   waxa aad ka fahanto warbixintaa ii soo gudbi  thans
Title: Re: Su'aal: waxaa i xanuunaysa halka garabka midig ku dhamaado?
Post by: SomaliDoc on January 07, 2012, 02:58:40 PM
Xanuun garabka salkiisa ah waxaa keeni kara jug ama murqo xanuun.
Wuxuu kaloo calaamad u noqon karaa cudurro meel kale ku dhaca sida: wadna qabad soo socda, xanuun xamiito, kaanakaro beer iyo gastrikada.

Xanuunka haddii la socdo daqnasho markii la taabto meelaha aad ka cabanayso, haddii jimicsi samaysid ama iskala jiidid kaa tagayo waxay u badantahay in ay tahay mruqo xanuun.
Hadii xanuunku la socdo lafaha oo jucjucsama ama dhawaaq sameeya ama markaa dhaqdhaqaaq sameyso kaaga dara waxay u badantahay lafo xanuun.
Haddii xanuunka markaa neefsato, hamaansato ama halaaqyooto ku xanuuno feeraha ama salka garabkisa waxaad ka cabanaysaa cudur ku dhaca dahaarka sanbabada oo loo yaqaanno "Pleurisy" ama waxa soomalida u taqaanno koolbo aaryo.
Haddii xanuunku uu siyaado markaa wax liqaysid ama cunno cuntid, laabjeexne aad qabtid waxay u badantahay xanuunka inuu ka dhashay gaastriko dhaawac gaarsiisay jidiinka.
Haddii xanuunku la socdo markaa oroddo ama hawl culus qabato waxaa laga yaabaa in wadnaha uu la xiriiro.

La xiriir takhtar si laguu wiisiteeyo loona ogaado xanuunka aad qabto.

Halkaan ka akhriso qoraallo la xiriira su'aashaada:
1- Murqo-Xanuun (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1436.0.html)
2- Koolba-aaryo (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1970.0.html)
3- Dhabar-Xanuun (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,570.0.html)
4- Wadna-Xanuun (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,668.0.html)
5- Wadne-Qabad (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,685.0.html)
6- Gaastiriko (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html)
7- Oof-wareen (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=615.0.html)
8- Boronkiito (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=436.0.html)