Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamed2012 on January 20, 2012, 10:55:08 PM

Title: Su'aal: Dhiig Brown Clour Ah Oo Xaaskayga ka Socda iyadoo 9 weeks pregnancy ah?
Post by: Mohamed2012 on January 20, 2012, 10:55:08 PM
Salaamu Calaykum .
Bacda Salaam Anigoo Ku cusub webkan qiimaha wayn Xambaarsan waxaan ugu horayn Mahad u soo jeedinayaa Allah inoo sahlay inaynu kala war qaadano waxa kale oo mahad iyaguna mudan dhakhaatiirta webkan inoo samaysay cilmigoodana walaalahooda Somaaliyeed uga Faa,idaynaya Intaa Ka dib Suaashayda aan doonayay idiin soo Gudbiyo .
Waxaan qabaa Xaas Waxaanay imika leedahay UUR 9 weeks ah markaa xaaskaygu waxay isku aragtay Maalmo dhawayd in uu ka imaado hoosteeda wax aad moodo Dhiig laakiin aan ahayn oo Brown clour ah naasuhuna way xanuunayaan mararka qaar Markaa doctors maxaa sababaya baad u malaynaysaan? Mar mar waxaanu iska dhaadhicinay inay ugu wacan tahay Galmada aanu samayno  waayo xaaskaygu waxay ii sheegtay in marka aanu joojino in mudo ah aanay isku arkayn waxan.
 Markaa maxaad talo naga siin kartaan hawshaa iyada ah Aniga Iyo Xaaskaygaba Aad Baan u war warsan Nahay Waana Ilmihii ugu horeeyey ee noo calool Gala...Aad Baad U Mahadsan Tihiiin .
F.G >>>> Sida xeerka sual waydiintiinu dhigayo waxaad tidhaahdeen suaashiina in cid hore na soo waydiisay iyo in kale soo ogaado laakiin waan baadhay manaan helin Hadii ay ku jirto oo aad mar hore suaashan oo kale idin soo martay Fadlan Link.ga ii soo dhiga
Thanks mar labaad
Title: Re: Su'aal: Dhiig Brown Clour Ah Oo Xaaskayga ka Socda iyadoo 9 weeks pregnancy ah?
Post by: SomaliDoc on January 29, 2012, 12:22:48 PM
Hooyo uur leh haddii lagu arko dhiig ka imaanayo noocoo rabo ha ahaado waa wx u baahan la iska hubiyo, waxay noqon karaan wax fudud ama wax dhibaato keensan karo, sidaa darteed waxaan idinkula talin lahaa in aad la xiriirtaan takhtar si loo baaro loona ogaado dhibka waxa uu yahay.

Wuxuu noqon karaa nooc ka mid ah dilanka oo lagu daaweyn karo nasasho iyo in galmada la joojiyo in muddo ah, wuxuu noqon karaa cudur caabuq oo u baahan daaweyn.

Talo ahaan la xiriir takhtar.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan dhicinta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1083.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1083.0.html)