Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sulekha on May 01, 2015, 12:18:28 AM

Title: Su'aal: ma waxaa fiican in la qalo thyroid-ka mise in la daaweeyo?
Post by: Sulekha on May 01, 2015, 12:18:28 AM
Salaamu alaikum.
Walaalayaal waxaan doctorka weydiinayaa suaal aan hore looga jawaabin. 1) Taasoo ah ma waxaa fiican in laqalo ama la gooyo thyroid-ka marka uu kacsan yahey mise in dawo lagu daweeyo? 2) Dawadee iigula talin kartaa? Gabar walaashey ah ayaa lagu sheegey Hyperthyroid, marka waxey ka walwalsan tahey in ay o'golaato qalniinka iyo inkale. Adigoo raali ah maxaad kula talin kartaa?

Wa salaamu caleykum
Sulekha

NB: Waan fiiriyey qeybta jawabaha. Waxaa ku qoran faahfaahin thyriod, laakiin su'aasheydu waa in la qalo iyo in layska daayo. Fadlan iigu soo jawab e-mailkan sulekha_ducale@hotmail.com
Title: Re: Su'aal: ma waxaa fiican in la qalo thyroid-ka mise in la daaweeyo?
Post by: SomaliDoc on May 02, 2015, 01:34:26 PM
Qanjirka thyroid-ka sida loo daaweeyo kuma xirna fiicnaan iyo midda uu qofka dooranaayo kaliya, waxa ay ku xiran tahay dhowr shay oo kala ah:
1- Howsha qanjirka: hadduu qanjirka uu kacsan yahay ama howlgabsan yahay waa in la xakameeyaa marka hore
2- Bararka ama burada: waa muhiim in la ogaado waxa barariyay in ay tahay qanjirka oo ballaartay kaliya mise buro ayaa ka soo baxday oo in la qablo waa qasab.
mise isagaa bararan oo cadaadis ayuu qofka ku hayaa oo in la qalo waa qasab, haddii ay saas tahay inta aan la qallin malaga yaabaa in qofka daawada loo siiyay howlgabka ma kacsanaanta in qanjirka ay shuuqiso oo laga maarmo? waxay ku xiran tahay qofka siduu daawada ugu caafimaado ama wax uga tarto.

Waa in waxaas oo idil la fiiriyo markii la go'aaminaayo in qofka la qalaayo oo kale, hadduu takhtarka kugula taliyay in la qalo waxaad waydiin kartaa hal su'aal oo ah, sababta uu kugula talinayo in lagu qalo?
Jawaabta waxay noqonaysaa: in bararka qalliin la'aantiis usuan dagaynin ama in ay dhici karto inuu dago laakiin bararka uu siyaado yahay oo laga yaabo in cadaadis iyo dhibaato kale kuu keento ama sabab kale hadii aad ku qanci karto.

halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan kacsanaanta qanjirka thyroid-ka "Hyperthyroidism": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1443.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1443.0.html)