Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abuuyuusuf on March 24, 2015, 06:50:55 PM

Title: Su'aal: Gaaska ma leeyahay midabkaaga oo qayirma?
Post by: Abuuyuusuf on March 24, 2015, 06:50:55 PM
asc  waxaan rabaa in aan waydiiyo taqaatiirta sharafta leh maleeyahay gaaska midabkaaga oo qayirma oo uu koro madoow yarmarka uu saai d kuu qabto maxaase keeni kari midabkaaga oo qayirma malaga yaaba in aan daawooyinka aan qadanayay sabab saday sida kuwa antibiyootikada ama gaaska aan u isticmaalay
Title: Re: Su'aal: Gaaska ma leeyahay midabkaaga oo qayirma?
Post by: SomaliDoc on March 30, 2015, 02:05:32 PM
Jirka midabkiisa oo badalmo waxay calaamad u noqon kartaa xanuun kasta, hadduu qofka aad u xanuunsan yahay, dhaldhalaalka jirkiisa wuu badalmi karaa, boorboor ayaa fuuli karo ama midabka ayaa mugdi gali karo, daawada laftirkeeda way dhici kartaa hadii ay tahay daawo awood leh muddane aad qaadanaysid ama daawo waxyeeladeeda ka mid tahay in maqaarka ay badasho.

Laakiin haddii aad ka wadid in meelo jirka ka mid ah uu haar fuushay ama madow jirka kale ka badalan ay yeelato, waxaad u baahan tahay in aad ku laabatid takhtarkaagii si uu kaaga fiiriyo waxaan kugu soo kordhay inuu xanuun kale yahay ama daawada aad allergy ku noqotay.

Gaaska wuxuu ka mid yahay xanuunada keeno kor qallaylka, hurka iyo midab daboolka, khaas ahaan hadduu yahay nooca ay keento bakteeriyada loo yaqaano H.pylori, fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan gaaska: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html)