Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hadhiye on May 05, 2011, 10:25:36 AM

Title: Su'aal: waxaa i xanuuna dhabarka iyo halka gumaarka loo yaqaan (bisqanlayda)?
Post by: Hadhiye on May 05, 2011, 10:25:36 AM
A/c
Dhamaan dhakhaatiirta Soomaaliyeed way salaaman yahioin meelkasta oo ay joogaa.
Walaal waxaan rabaa inaad iiga jawaab taan su'aashan.

-waxaa i xanuuna dhabarka iyo halka gumaarka loo yaqaan(bisqanlayda).......waxaan isku arkay biyo bax degdega markaa sababtu ma noqonkartaa
-------isticmaalka siigada ama u tagida dumar kala duwan
--------hadiise ay tahay sababtu siigada marka aan joojiyo ma ka ladnaan karaaaaaaaa xanuunkan iyo biyio baxa degdega ahba
------seese biiya baxa degdega ah u yarayn karaa haddii aan kaliya xaaskayga ku ekaado
Title: Re: Su'aal: waxaa i xanuuna dhabarka iyo halka gumaarka loo yaqaan (bisqanlayda)?
Post by: Drkheyre on May 06, 2011, 10:47:34 AM
Wc ss

Walaal inkasto su?aashaada eysan aheyn mid meel gaar ah ku cayiman laakiin 3 arimood ayaa kusoo goobaayaa.

Arinta kowaad oo ah dhabarxanuun halkaan ka aqriso.
Dhabar Xanuun (Back Pain)
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=570.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=570.0)

dhinaca kale hadii dhabarxanuunkaaga iyo bisqinleyda xanuunkeeda ee la socdaan calaamadahaan sida: Gubasho ama xanuun marka la kaadinayo, Kaadi badnaan ama si lama filaan ah qofka u qabata calaamadahaan waxaa caanku ah Infakshanka / Caabuqa Kaadi Mareenka halkaan ka aqriso.
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html)

Arinta labaad oo Biyo bax degdeg ah halkaan ka aqiso sababaha keena biyo bax dedeg.
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2121.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2121.0.html)

Arinta sedexad oo ah siigada Halkaan ka faaideyso dhibaatooyinka siigada.
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2209.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2209.0.html)

ugu dambeyn waxii faafaahin dheeri ka dib markaa eegtid maqaaladaas nagu soo warceli.