Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Tuuraq on June 29, 2011, 11:06:27 PM

Title: Su'aal: Maxaa keeni kara walal cudurka calaamadahan leh?
Post by: Tuuraq on June 29, 2011, 11:06:27 PM
Asc walaalayal aad ayaad ugu mahadsantihiin wacyi galinta iyo latalilinta aad umada somaliyeed u heysiin aniga oo dadka ku xiran webkan , waxan jeclaan lahaa inan idin weydiiyo wax ku saabsan xanunkeyga.

Ugu horeytii da deydu waa 25jir waxan xanunkan dareemayaa mudo ku dhaw 2sano .dhaqatiir badan wan u tagay hadana waxba iskama key badalin.
Calaamadaha aan daremayo

Walal waxaa xanunka iiga bilawday qoorta margiyadedo oo aad ii xanuneyso iyo madax xanun iyo murqo xanun kadib waxan u tagay xiligaas dhaqtar wuxuu iyiri waxad qabtaa malariyo kadib dawo ayuu isiiyay waxna isagama garan kadib xanunkeyga wuu sii jiray mudo kadib waxan ka soo tagay dalki anigoo soo gaaray dalka koonfur afrika kadib xanunkeygi wuu sii socday waxan u tgay dhaqtar wuxu igu yiri infection murqaha ku dhaca ayad qabtaa daawoyinki uu ii soo qorayna waxba ma isaga garan tankale mudo kadib 7bil kahor waxaa igu dhacay xanun xaga dhunta ah oo aad ii xanuneyso buur buur iiga soo baxay dhanxanaga ilaa gadasha carabka iyo xididada dhuunta oo dhan ah.


Calamadaha joogtada ah oo aan isku arko waxaa kamid ah.
* murqo xanun
*daal xaga murqaha ah
 * qoor xanun iyo dhabar xanun
* energiga oo aad moodo inuu igu yar yahay
*koleyl aan ka daremayo  dhaman jirka oo dhan iyo bal balid
*wajiga iyo dhaga oo aan kuleyl kadaramayo iyo in enegigu igu yahay
*caajis farabadan oo aan daramayo
*iyo dhuun xanun bilahan danbe i haya
*iyo neefta oo habenkii igu adkaa neyso mudo.

Tan kale walal waxad modaa markii aan dhidido in xanunku uu ideynayo sida markan kubadda ciyarayo. Waa mahadsantihin waxan inka sugaa waa jwb wacan mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Maxaa keeni kara walal cudurka calaamadahan leh?
Post by: SomaliDoc on July 10, 2011, 08:31:15 PM
Fadlan la xiriir takhtar iskana baar cudurka Bruseelka 'Brucellosis"

Calaamadaha aad dareemeyso iyo muddada aad xanuunsantahay waxay iila egtahay in aad qabtid cudurka loo yaqaanno Bruseel "Brucellosis".
Xanuunkaan oo lagu qaldo, cudurrada murqo xanuunka, kalagoysyo xanuunka, malariyada iyo tiifowga waa cudur raagi karo, daawadiisuna ay ka duwantahay daawooyinka kale oo loo qaato cudurrada lagaa daaweeyay.

Fikrad ka qaado cudurkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2233.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2233.0.html)

Baaritaanka cudurkaan waa mid sahlan oo la heli karo.

Nala soo xiriir baaritaanka ka dib, haddii aad qabto su'aalo dheeraad ah.