Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sacdiyo on December 12, 2010, 12:11:13 AM

Title: Su'aal Xanun gaar ah?
Post by: Sacdiyo on December 12, 2010, 12:11:13 AM
Asc  waxan aad idinkaga mahadcelinayaa sida qiimaha leh aad jawaabaha ugu bixineysaan, walalyaal waxa jeclaan lahaa in aan iga siisaan  jawaab inta aqoontiina ay tahay waxan  mudo laga  sanad isku arkay  lugaha oo isbadal ku dhacay kas oo ah in ay yaryaraadeen lugaha waliba inta ka hooseyso jilinka waxan ka dareemayaa daal badan   socodkan ma dhameystiri karo inyar hada socdo waa istaagayaa  waxa kaloo sii dheer caloosha dhinaca  bidixda ah ayaa weynaatey  inta ana isku arkin weyninka waxa daremayaa   sida qof ilmo ku jiraan  caadanadan  waxa iga maqnaataa 3 ilaa 4 bilood  marka caadada  imaado  calooshda dhanka weyn waa ay yarataa  dhabar xanuun saaid ah  waxan ka dareenama xanunkas   barasher ah sida qof fool iska riixeyso ayaan ka dareemaa   inta uu maqan tahay caadada waxa si dareem ahaan u dareemaa in ay caado jirto marmarka qaarna waxaba ii soo dhadhamo dhiig  waxan intas sii dheer in jamaso raashin gaar ah   waxaana ahay xaas  tabar dari badan wa lee yahay
wabilaahi towfiiq
Title: Re: Su'aal Xanun gaar ah?
Post by: SomaliDoc on December 17, 2010, 06:16:21 PM
Walaal cudurkaaga wuxuu u baahanyahay wiisito iyo baaritaanno dhowr ah si loo ogaado waxa ku hayo maadaama aad ka cabanayso meelo badan oo laga yaabo in ay cudurro kala duwan ay yihiin sidaa darteed waxaan kugula talinayaa in aad sida ugu dhakhsiyaha badan ula xiriirto takhtar aqoon u leh cudurrada haweenka si baaritaan laguugu sameeyo.

Wixii su'aalo dheeraad aad qabtid markii aad takhtarka u tagtid ama faahfaahin ku aadan waan kaa caawin karnaa.

Mahadsanid