Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Fatxiya1 on March 11, 2015, 06:49:03 PM

Title: Su'aal: Timo badan oo jirka ah?
Post by: Fatxiya1 on March 11, 2015, 06:49:03 PM
waan idin salamay

xaad badan faraha dushooda in ay timo kasoobaxaan , sida wiilashii ookale shaarbaha timo ayaa iga sobaxaan garkana nabaro,meelkamid ah jirkega hadii aan maqas ama sakin kutaabto in ay timobadan kasoo baxaan maxaa keeni kara? dhoorsano kahor ayaa guursaday lakin wali caruur Allah ima siinin,
Title: Re: Su'aal: Timo badan oo jirka ah?
Post by: SomaliDoc on March 14, 2015, 01:57:25 PM
Garka oo nabro ka soo baxaan, timo jirkaaga aad ku aragtid iyo madhalaysnimo waa cillad la xiriirta hormoonada haweenka, waxaana ugu badan xanuunka loo yaqaano Ugaxnsidaha Fiixda leh ee "Polycystic Ovary Syndrome"
Fadlan halkaan ka baro xanuunkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3126.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3126.0.html)

Fadlan la xiriir takhtar cudurrada haweenka ku taqasusay si lagaaga baaro oo lagaaga daaweeyo xanuunkaan.
Haddii aad qabtid su'aalo dheeraad ah waan kaaga jawaabaynaa.