Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on September 08, 2011, 09:25:05 AM

Title: Su'aal: Haweenka Uurka leh ee cuna Bariiska ceydhiinka ah?
Post by: CilmiSabca on September 08, 2011, 09:25:05 AM
Asc Dhaqaatiirta & aqyaarta qiimaha mudan. Salaan ka dib. Doctor waxaan doonayaa inaad na bartid waxa keena in haweenka Uurka lihi ay cunaan waxyaalaha ay ka midka yihiin: Bariis ceydhiinka ah, Dhuxusha madow, Barafka dhagaxa ah iyo ciida burka ah (burciid).
Sidoo kale waxaad noo sheegtaa- saameynta uu ku yeesho haweenka xaamilooyinka ah... Haddii ay saameyso haweenka maxa lagu daaweyn karaa?
Waad  mahadsan tihiin dhamaantiin. Salaamu caleykum wa Raxma-tul Laah.
Title: Re: Su'aal: Haweenka Uurka leh ee cuna Bariiska ceydhiinka ah?
Post by: SomaliDoc on September 20, 2011, 03:18:19 PM
(http://somalidoc.com/Topics/wasakh.png)

Pica waa xaalad caafimaad darro oo qofku uu cuno wax aan nafaqo ugu jirin bini'aadanka sida carrada, dhoobada, jeesada, qalimaanta, warqadaha, battariga, cadayga, saabuunta, xanjada, danbasta, dhuxusha iyo waxyaabo kale oo badan.
Cilladaan waxay u badan tahay caruurta iyo dumarka, waxaana la dhihi karaa qofka wuu qabaa cilladaan hadduu cuno waxyaabahaan iyo wax la mid ah muddo ka badan 1 bil.

Magacaan "Pica" wuxuu ka soo jeedaa luqadda laatiinka taasoo ka timid shimbir lagu magacaabo "magpie" taasoo cunta wax kasto.
Xaaladaan waa lagu arkaa da' kasta inkastoo ay u badan tahay haweenka uurka leh, haweenka naaska nuujiya iyo caruurta yayar.

Xaaladaan waxaa la aaminsanyahay in ay keenaan dhowr shey sida:


Waxaa xaaladdaan lagu daaweeyaa in horta la ogaado qofka xaaladda uu ku suganyahay sida in haween uur leh ay tahay ama caruur naafo ah ama qof dhimirka ka jiran. kuwaasoo si kala duwan loo daaweeyo.

Macdanta zinkiga iyo birta (iron-ta) waxay ugu horreeyaan waxyaabaha ka maqan dadka cuna walxahaan sidaa darteed waxaa la arkay dadka qaarkood haddii macdantaan la siiyo inay joojiyaan caadadaan.

Qofka hadduu dhimirka la'yahay waa in laga joojiyaa cunidda walxahaan, lagana ilaaliyo.

Hadduu qofka qabatimay ama ku walfay cunista waxyaabahaan iyadoo aysan jirin waxa cillad nafaqo ama mid dhimir waa inuu naftiisa ka go'aansadaa inuu joojiyo sababtoo ah waxyaabahaan waxay keenaan dhibaatooyin caafimaad oo aad u badan dhinaca ilkaha, dheefshiidka, jeermiska iyo difaaca jirka oo hoos u dhaco.

Dadka ugu badan ee qaba xaaladdaan waxaa la ogaaday in ay yihiin haweenka afrikaanka ah oo haddana uurka leh kuwaas oo la sheego in ay u dhigmaan boqolkiiba 74%, dadka qaba cilladaan.

Akhriso cunnada laga helo birta oo dhiigyarida lagu daaweeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1721.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1721.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Haweenka Uurka leh ee cuna Bariiska ceydhiinka ah?
Post by: CilmiSabca on October 02, 2011, 01:02:49 AM
Waad mahadsan tahay SomaliDoctor. Waxaan isla su'aashaan kaa weydiinayaa:-
Haweenka Uurka leh ee Cuna waxyaalahaas kor ku xusan ha ugu darnaato cusbada (salt ama milixa) waxaa la sheegaa marka ay qaarkood fooshu qabato in ay aad ugu dhibtoodaan (waayo tabar daro haysa iyo waxyaalaha ay cuni jireen oo kaga sii daray) oo qaarkood ay umul raacaan qaar kale na ay is cunaan (carabkooda oo ay ruugaan IWM) Marka Dhakhtar dhibaatooyinkaan yimaada waqtiga foosha wax xidhiidh ah ma la leeyihiin waxyaalaha ay haweenka inta ay uurka lahaayeen cuni jireen?
Thanks...
Thanks...
Title: Re: Su'aal: Haweenka Uurka leh ee cuna Bariiska ceydhiinka ah?
Post by: SomaliDoc on October 07, 2011, 11:44:53 AM
Haweenka ku dhibaatooda foosha maahan qasab in ay sababahaan aad sheegtay ay la xiriiraan, si toos ahne uma saameeyaan foosha laakiin waa laga yaabaa in ay ka qeyb qaataan dhibaatadaan inkastoo aan la heynin war caddaynaya arrintaan.

Laakiin waxa la isku raacsanyahay ayaa ah in macdanta jirka u baahanyahay ama ku jirto in ay sidii laga rabay aysan ahayn taasoo caafimaad ahaan halis ku ah qofka.