Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qawdhan on January 26, 2012, 08:11:51 PM

Title: Su'aal: Markastoo aan hindhiso waxan tufaa cadhuuf dhiigleh?
Post by: Qawdhan on January 26, 2012, 08:11:51 PM
dhamman salaan sare waxan  hawada uu soo marinayaa dhakhaatiirta ku hawlan websitkan iyo dhamman dadweeynaha somaliyeed ee ka faiidaysta macluumadkan.
waxan dhakhaatiirta weydiinayaa markasto aan hindhiso kadib waxan tufaa candhuuf dhiig xoogan leh muddo laba toddobaada.
cafimaadkeyguna aad buu uu wacan yahay intan ogahay. waligayna maan xanuunsan dhakhtarna ma tagin intan noola. waad mahad santin.
maxaa keenayaad u maleeynaysan?
maxan iska soo baadhaa dhakhtar nooceeya aayaan se uu taga?
Title: Re: Su'aal: Markastoo aan hindhiso waxan tufaa cadhuuf dhiigleh?
Post by: SomaliDoc on January 29, 2012, 01:56:05 PM
Badanaa dadka qabo xasaasiyada iyo hindhisada markaa dahaarka saaran sanka gudahiisa uu qalalo waxay keensataa in uu dhiig tufo markuu hindhisaba.
Laakiin si loo ogaado waa in aad ka soo jawaabtaa su'aalahaan:
1- xasaasiyad miyaa qabtaa sida sanboorka oo kale?
2- markasta oo dhindhisto miyaa dhiig tuftaa mise?
3- xilliyada qaboobaha miyuu daran yahay? sanqadane maku xanuuntaa?

Fadlan ka soo jawaab su'aalahaan.
Title: Re: Su'aal: Markastoo aan hindhiso waxan tufaa cadhuuf dhiigleh?
Post by: Qawdhan on January 29, 2012, 08:28:16 PM
1. maya waxa xasaasiyada ma qabo sanboorna ma lahi,
2.maya waxay ku eegtey muddo bishan aan ku guda jirno lakiin waligay hore iskugumaan arag.
3. sanqadu imaa xanuunto lakin way iyara hafeefata.

lakin wax aan dareensanahay oo aan mudadan inyar ka hore isku yara arkey sidii wax idhaha dushooda dhiig soo yaacayo dabadeedna indhuhu ii olalayaan. waad mahada santiin.
Title: Re: Su'aal: Markastoo aan hindhiso waxan tufaa cadhuuf dhiigleh?
Post by: SomaliDoc on March 10, 2012, 05:22:36 PM
Waxay iila egtahay in uu ku hayo cudurka caabuqa jeebabka sanka ee loo yaqaanno "SINUSITIS" ee fadlan si loo hubiyo ama lagaaga daaweeyo la xiriir takhtar ku taqasusay E.N.T-ga.