Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Khalid25 on June 09, 2012, 04:02:08 PM

Title: Su'aal: Jiidjiitin maqaarka?
Post by: Khalid25 on June 09, 2012, 04:02:08 PM
asc walaal aad iyo aad ayaan idiinkugu mahadcelinayaa sida wanaagsan eed noocawineesaan adinkoo isticmaalaya afkeenii hooyo mahadsanidiin .
walaal waxaan isku arkay "hareeraha ama dhinacyada xaniinyaha iyo xubinta taranka  ayaan waxaan ku arkay jiidjiitin aad moodo in uu maqaarku qafiif noqday oo ka duwan jirka kale
waa dhowr meelood , oo sadaro dhaadheer ah , markii aan jirka kala jiido waxay noqonaayaan qafiif saaida oo aad arki karto jika hoose ,
walaal muxuu noqonkaraa waxaasi?  waa illaa 5xariiqtin oo afarta dhinaca  , aad iyo aad ayaan niigu mahadcelinaayaa
Title: Re: Su'aal: Jiidjiitin maqaarka?
Post by: Dr.Adnan on June 13, 2012, 01:33:53 PM
Aniga oo Tixraacaya Tilmaantaada, waxaan u malaynayaa ay tahay waxa afka qalaad loogu yaqaan "Stretch marks"(striae) Afkeena hadii loo turjumo noqonaysa "Liidad kala-jiidan" .

Liidadkan ama Xariiqadan waxa keena Maqaarka qofka oo kala jiidmo sababo badan aawadood sida...
*Cayilka "Naaxista" degdega ah iyo dhuubnida degdega ah (Waa sababta tan ugu badan ee keenta)
*Uurka (80% haweenka uurka leh waa lagu arkaa)
*Xanuuno kale

(http://www.kerawa.com/attachments/A223987_postad_4fa0d03434c45.jpg)
Ma u egyihiin sidan oo kale Jiidjiidinta aad sheegtay?

Waxa haboon inaad la xidhiidhto Adeege caafimaad si uu u fiirsho

Title: Re: Su'aal: Jiidjiitin maqaarka?
Post by: Hibo Abdullahi on November 25, 2018, 11:02:28 AM
Asalaamu calaykum,

Mudo laga joogo 5 bilood ayaan jirkayga ku arkay waxyabo aan u maleeyay stretch marks aad u badan dhaqtar fiican oo dermatologist ahna waan waayay marka wll ii tilmaan hadii aad meel ku og tahay dhaqtarkaas.


Thanks