Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdirizak ali hassan on November 08, 2017, 07:26:22 PM

Title: Su'aal: Wax carafa iyo wax ura midna ma dareemo?
Post by: Abdirizak ali hassan on November 08, 2017, 07:26:22 PM
asc Dr waxaan isku arkay mudo 4 sano ah inaan wax ii cargin xitaa baraafuunada  iyo wixii la mida ama wax uraya sida saxarada ama.musqulaha xanuunkan wuxuu igu soo bilaawday mudo laga joogo 10.sano ka badan bilawgiisa waxuu aha anoo yar waxaana dhib san jiray karka canjeelada ama.laxooda oo iigu soo uri jirtay si kale waxaa joogo.mudo kadib waxuu iaku badalay in aan dareemo kar kale oo joogta ah hadaan tusaleeyo karkaas nuuciisa waa moorada ariga ama xerada arigu ku xaroodo sida ay u karto ama usoo urto inay noqoto neefta aan qaadanayo mudo kadib hadana waxaa joog saday waxaas oo dhan hada wax iima carfaan iimana uraan hadii aan barafuun ku biifiyo sankayga xita uma dareemo inuu carfayo waxaan darema kaliya qaboow iyo aashito oo kaliya  wax dhiba ama xanuuna ma dareemo mar mar dhifa maahan oon meel huura galo oonan neef igu filan halaynin maahne  wax kale oo an dareemo ma lahan nolashyda waa mid iska caadiya Dr ciladaas ayaan rabaa inaad  isheegto waxa cudurkaan yahay talo iyo daawo sida loo helo dawadiisa insha alah waan kaa sugaa jawaab alaha ku barakeeyo cimrina ku siiyo Dr mahad sanid in badan
Title: Re: Su'aal: Wax carafa iyo wax ura midna ma dareemo?
Post by: CilmiSabca on November 10, 2017, 10:51:15 PM
Waxaa jira xanuun loo yaqaano Anosmia oo dareenka wax urinta baabi'iya, balse marka hore halkaan ka akhriso caabuqa sanqada
https://goo.gl/dGfYNr
Haddii aysan cilladaadu aheyn caabuqa sanqada, fadlan la xidhiidh dhakhtar ku taqasusay cudurrada Cunnaha, Sanka iyo Dhagaha E.N.T (Ear, Nose and Throat)