Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sheen C/laahi on November 11, 2017, 05:36:29 PM

Title: Su'aal: Siigadu waxay sababtaa Af-qudhun?
Post by: Sheen C/laahi on November 11, 2017, 05:36:29 PM
Runtii waxaan ahay wiil dhalinyaro ah waxaana siigaysanayay mudo ilaa 3 sano ah igu yaraan Markaan siigaysanayay 2 sano ayaa waxaan dareemay inay wax iska badaleen afkayga xoogaa shiir ahna uu yeeshay  balse ma filayn inay siigadu sababayso mudo kadib waxaan dareemay in markaan siigaysto afkaygu aad u shiirayo kafibna waxaan yareeyay siigaysigii inkastoo aan filayay in uu xanuun kale sababyo af-shiirka waxaana isu daba marmaray dhakhaatiir Tiro badan balse wayku guuldaraysteen inay wax ila qabtaan sababtoo ah xanuunkan maba yaqaanaan dhakhaatiir badani mudo kadib shiirkii wuxuu isu badalay mid joogto ah oo marwalba aan igamaqnaanayn haba u darnaato markaan siigaysto oo ay mudo dhorcisho ah qaadanayso inuu yaraado shiirku kadibna waxaan ka tagay guud ahaan waxbarashadii waxaana dhib igu noqotay dhexgalka bulsha  runtii ilaa xiligaa mafilayn in ay sababayso siigaysigu dhibkan balse waxaan u haystay xanuunkale oo markaan siigaysto kacaya oo ay siigadu kicinayso malin malmaha kamida Aniga oo internetka ka radinay waxyaabaha sababa AF shiirka ayaan arkay meel ayku qorantahay (BADBREATH AFTER MASTURBATING)
Markaan Ku dhuftayna waaxaa ii soo baxay boqolaal dad ah oo ka cabanaya xanuunka aanka cabanayo kadibna waxaan guud ahaanba joojiyey siigaysiga oo ay  ibareen dhalinyaro saxiibadaya anoo jira14sano aana Ku guda jiray samaynteeda 3sano
Xanuunkasii wuxuu kaga duwanyahay afshiirka caadiga ah in uu u urayo sida malayga waana arin ayka dhawaajiyeen dadkii ka cabanayay ana aan  arkay wuxuuna aad u siyaadayaa markaad biyaha iska keentid.
Hadaba waxaan ka codsanayaa dhalinyarada saxiibaday inay iska daayaan ficilkaa foosha xun ilaahayna u toobad keenaan.
Kuwa aan samayna waxaan uga digayaa inay siigaysiga bilaabaan sababtoo ah sidaad isaga daysaan wey adkaan doontaa waxaana ka qaadaysaan cudurkaa xun.
Hadaba dhakhaatiirta waxaan ka codsanayaa inay arinkaa baadhitaan Ku sameeyaan daawadiisana raadiyaan dhalintana uga digaan
Digniintana lagudaro inuu sababo afshiir sababtoo ah waa arin ay la kulmeen dhalinyaro aad u Tiro badan adinkuna aad internetka ka heli kartaan hadaad ka raadisaan.
(MAHADSANIDIIN)
Title: Re: Su'aal: Siigadu waxay sababtaa Af-qudhun?
Post by: SomaliDoc on November 24, 2018, 02:48:39 PM
Siigeysiga joogta ah waxyaabo badan ayaa laga dhaxli karaa laakiin af-urka kuma jiro, faahfahintane ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2209.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2209.0)

Waxaa kaloo halkaan ka akhrisan kartaa, waxyaabaha keeno af-urka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1610.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1610.0)