Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Zuldan on November 12, 2017, 07:31:28 PM

Title: Su'aal: Kareemada skin and hand creams?
Post by: Zuldan on November 12, 2017, 07:31:28 PM
Asc dhakhaatiirta pageka somalidoc salaan ka dib dictoor waxaan arkey dadka qaar isticmaala creams loo yaqaan skin creams marsanayana wajiga marka ma wax caadi ah baa oo jirku waa isku hal waana loo wada isticmaali karaa mise wa sida'aan shakiga uga muujiyey oo face  ku waa gaar.
Aadna waad ugu mahadsantihiin howshaad umada u haysaan.
Title: Re: Su'aal: Kareemada skin and hand creams?
Post by: CilmiSabca on December 02, 2017, 08:50:30 PM
Marka hore, waxaad ogaataa in nooc walba oo ka mid ah kareemyada jidhka loo sameeyey qaab u gaadh ah iyo meelo u gaadh oo la marsado iyo sidoo kale waqtiyo iyo hab loo isticmaalo oo u gooni ah, waxaad kale oo aad ogaataa in kareemyada lagu soo daro maadooyin si uusan u luminin cufnaanta, carafta iyo cimriga, sidaas darteed kareem walba wuxuu lee yahay muddo la isticmaalo iyo muddo uu jiri karo keyd ahaan, haddii uu dhaco (expire) waa halis.
Kareemyada daawada ah waa in uu Dhakhtar kuu qorey, kareemyada kale ee dukaamada waa in aad fahamsan tahay sida loo isticmaalo, badanaa waxaa lagu soo qoraa qolofka dushiisa, tusaale; haddii uu yahay kareem wajiga loogu talo galay, haddii uu yahay kareem gacmaha iyo cagaha loogu tala galay iyo haddii uu yahay kareem intaba loogu talo galey.
Waxaa kale oo jira kareemyo aroortii amma galabtii la marsado meelaha loogu talo galay iyo kareemyo loogu talo galay in habeenkii la marsado.
OGOW: Haddii aad isku dardarto kareemyo kala duwan, waxaa ka dhalan kara xassaasiyad, sidaas darteed waxaa jira kareemyo ay soo saareen shirkaddo aan lahey khibrad farsamo, waxaa kaloo jira kareemyo aan Soomaaliyaba loogu talo galin oo suuq kaliya laga rabo...

Halkaan ka akhriso mowduuc ku saabsan waxyaabaha la isku caddeeyo iyo saameyntooda:
https://goo.gl/6YmvSd