Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Adenyare on November 14, 2017, 03:45:08 PM

Title: Su'aal: Subaxii aroortii wuxuu dareemaa qabow?
Post by: Adenyare on November 14, 2017, 03:45:08 PM
Asc dhaman walaha barmamijka cafimafka intaas kadib wiil an isla daganahay  oo a aan xidhidh idinla lahayn baa IGA cudsaday inaan iso gudbiyo hawl haysata waxay tahay subaxdii aroortii wuxu daremaya qabow kaas oo wadnaha oo ka daremaya kadib markii qoreecda lo keeno wuu matagayaa isago waxba ka cunin mida kale waxa udheer xubinta taranka waxay ledahay qoyan lamoodi kaadi yar mida kale wuxu sheganayaa into isku arkay qoyanka xubinta ino dareenkii kacsiga hoos udhacay xiniin yaha way kala dheryihin  ninkaas dhakhaatir wuu tagay dawo baa. Laso siyay waxna muna iskaga garan marka  jabaab inaad so sisaan baan idinka codsanayaa
Title: Re: Su'aal: Subaxii aroortii wuxuu dareemaa qabow?
Post by: SomaliDoc on November 24, 2018, 02:28:42 PM
Wuxuu saaxiibkaa u baahan yahay in baaritaan fiican lagu sameey sababtoo ah cabashadiisa hal cudur kaliya ma noqon karto, u adkaysi la'aanta qabawga subaxdii hore waxay ka dhalan kartaa awood la'aanta ka timid sokorta dhacsan, sidoo kale matagga markuu quraacdo ka dibne cudurka gaaska wuu noqon karaa ama caabuqa caloosha, midd kale qoyaanka ibta ka imaanayo waxaa haboon in la baaro inuu yahay dheecaan jeermis keenay iyo inay wax kale yihiin. Fadlana dhakhtar fiican la xiriiri. Mahadsanid