Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: dr-awale on December 16, 2008, 07:11:42 PM

Title: BARNAAMIJKA KA HORTAGGA SOA/AIDS – EE DADKA QAXOOTIGA AHI QAXOOTIGA KALE U SAME
Post by: dr-awale on December 16, 2008, 07:11:42 PM
Tababarka Tabarayaasha iyo xiriiriyeyaasha-HIV

(Training voor peer-educators en

HIV-contactpersonen)

Maart, 2007
 
Tababarayasha ama tababar ku jirayaasha ku howlan sidey tababare u noqon lahaayen iyo xiriiriyaha arrimaha HIV-ka ee sharafta lahoow,

Halkan waxaanu kuugu soo gudbineynaa infoormeeshanka aanu kuugu diyaarineyno sidii aad ku noqon laheyd sharraxaadbixiye (peer-educator/tababare) ama xiriiriye barnaamijkeena ku saabsan ka hortagga soa/aids oo ey dadka qaxootiga ahi bixinayaan iyagoo casharadaa siinaya dadka iyagoo kale qaxootiga ah.


Maabkan ka tababarka ah waxaa sameeyey GGD Groningen, MOA Noord Nederland, iyo ASERAG. Waxaana tababarka ka sokow isticmaali kara aktarada (jilayaasha) tiyaatarka ama dadka kale oo xiiseynaya.


Maabka tababarka wuxuu ka mid yahey liiska waxyaabaha ey soo saareen ‘a stepping stone’ waxaana iyagoo luuqado kala duwan ah laga dalban karaa:  www.soaaids.nl (http://www.soaaids.nl).

Waxaa naga cajiibiyey (farxiyey) sida aad barnaamijkaan u xiiseyneysaan. Waxaanuna  rajeyneynaa, in inagoo idinka idin kaashaneyna aanu dad fara badan oo qaxooti ah jiradaan halista ah ka badbaadino.

Waxaanu kaaga mahadcelineynaa sida qurxoon oo aad noola shaqeysay.


ASERAG