Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Xuseenka on June 17, 2017, 10:10:23 PM

Title: Su'aal: Wiilkeyga afka ayuu ka neefsadaa?
Post by: Xuseenka on June 17, 2017, 10:10:23 PM
Asc doctor aadbaad umahadsantahay muqdisho ayaan kaalasoo hadli after

su'aal ???wiilkeyga afka ayuu kaneefsadaa 3 years ayuuna jiraa assagoo yar ayaan kaareemay  marka uu qabo hargabka ama diifka ayaa ugu daran iyo markuu hurdaayo dhidid badan ayaa kayimaado  lakiin haduuna qabin hargab waa Normal  xooga ) labo dhatar ayaan ugeeyay mid wuxuu idhahay  markuu weynaado waala qali  midka  kalana wuxuu dhahay waan daaweynayaa lacag badanna wuu iga qaatay daawadiina waxba kamuu dheefin

 mahadsanid doctor please seenyeeelaaaa wiilkeyga aan jeclahay
Title: Re: Su'aal: Wiilkeyga afka ayuu ka neefsadaa?
Post by: SomaliDoc on March 14, 2018, 07:27:24 PM
Caruurta afka ka dheefsato weliba dhaqaska uu dhibo markay hargabsan yihiin waxay u badan tahay inuu sanka hilib kaga yaallo ama cillad "ENT" ay jirto, markay caruurta waynaadaan oo 5 sano gaaraan haddii isbadal laga arki waayo, waa la qalaa waana qalliin fudud haddii aad heshid dhakhtar takhassus u leh xanuunadaas, inta ka horayso daawooyinka la qaato waa kaalmaati wax weynne ma taraan markuu cunugga cabbursan yahay ama hargab san yahay, laakiin ku dadaal in saliid xabad sowdada u marisid faruurta korkeeda meesha sanka ku aadan habeen walba, isbadal fiican inaad ku dareentid ayaan rajaynayaa. wixii faahfaahin dheeraad ah ama isbadal aad dareentid igala socodsii qeybta messages-ka ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)