Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on March 16, 2016, 04:34:07 PM

Title: Qandho Caseeyaha (Yellow Fever)
Post by: SomaliDoc on March 16, 2016, 04:34:07 PM
(http://somalidoc.com/Topics/caseeyaha.png)

Cudurka Caseeyaha ama afka qalaad lagu dhaho "Yellow Fever", waa xanuun uu keeno jeermiska fayraska, waxaana dadka u kala gudbiyo qaniinyada kaneecada.

Waa xanuun la iska tallaalo, wuxuuna ka dillaacaa dhulalka kuleylaha, dadka qaar ma dareemaan wax astaamo ah, laakiin wuxuu ku billawdaa qandho siyaado ah, kalagoysyo xanuun, madax xanuun, lalabo, matag, caajis iyo tabardarri.

Markaas ayay badanaa isbitaalka uu qofka yimaadaa, hadduu qofka ku nool yahay meel cudurkaan uu ka dillaacsan yahay ama safar uu kaga yimid waa in laga shakkiyaa xanuunkaan oo la baaraa.

Saacado ama maalin ka dib markuu qofka dareemo astaamahaan kor ku xusan wuxuu billaabaa in indhuhu casaadaan ama cagaartaan ama jaallo noqdaan sida dadka qaarba u yaqaanaan, wuxuu u ekaanaa qofka inuu cagaarshow qabo, kadibne waxaa imaado dhiigbax iyo in qofka uu galo shoog, kadibna kilyaha iyo beerku ay fadhiistaan.

Ma jirto daawo loogu talagalay cudurkaan laakiin qofka waxaa la siiyaa faleeboon lagu fuuqceliyo iyo qandhojabiye.
Waa inuu qofka ka fogaadaa daawooyinka qaar sida "Asprin" si dhiigbax looga hortago.
Waa inuu qofka iska ilaaliyo in kaneeco qaniinto si uusan xanuunka u qaadin hadduu ku nool yahay meel halis ah.
Haddii xanuunka ku haayane waa in aysan kaneeco ku qaniinin illaa 5 maalin qandhada markay ku qabato kadib si xanuunka aan lagaaga qaadin oo qofkale ugu gudbin.

Xanuunka waxaa looga hortagaa tallaal, qofkasta oo da'diisu ka wayn tahay 9 bilood oo ku nool ama u safrayo ama ka yimid dhulka caseeyaha uu ka dillaaco waa inuu tallaal maraa.

Talo u gaar ah Soomaalida:
Fadlan haddii aad xanuunsatid ha soo safrin si aadan halis u galin ehelkaaga iyo qaraabadaada khaasatan haddii aad soomaaliya u soo socotid, maxaayeelay si sahlan ayaa wadanka loo soo galin karaa, si sahlane wuu ku faafi karaa, mana jiro karantiil ku habboon xanuunkaan hadduu dillaaco.
marka adigoo intaa ka fakarayo waxaa habboon in aad meesha aad ku xanuunsatid joogtid illaa aad ka caafimaadayso.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)