Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hamze_a on January 28, 2019, 05:54:14 PM

Title: Su'aal: Anoo dibirsan ayaan subixii soo kacaa?
Post by: Hamze_a on January 28, 2019, 05:54:14 PM
Asc doctor
Suaaal
Subixii waxan so kacaa anoo dibirsan oo matag ihayo oo aanan quraacan karin
Iminka muddo asbuuc ah ma quraacan
Ilaa qadada laga gaadho dhereg ba iskaga kay taagan xitaa hadii aanan cashayn?
Miisankayguna maalinba malinka ka danbeya wu sii dhacayaaa????
Degdeg iguso jawaab doctor?
Title: Re: Su'aal: Anoo dibirsan ayaan subixii soo kacaa?
Post by: SomaliDoc on October 13, 2019, 12:14:20 PM
In aad subaxii la soo toostid dibbiriyo, lalabo iyo cunno xumo adigoo weliba habeenkaas cashayn waxay tilmaan u tahay dhowr arrimood oo kala ah:
1- In caabuq caloosha uu jiro oo u baahan daaweyn sida bakteeriyada gaaska, ameebaha, gooryaanka IWM
2- In bakteeriyada waxtarka u leh dheefshiidka inay kugu yaraatay qallajiye aad qaadatay awgiis, markaasne daawo ayaad u baahan tahay.
3- In cunno aad xasaasiyad ku qabtid aad bilawday cunitaankeeda, taasoo keeni karta astaamaha aad isku aragtay.
4- In aad afka ka neefsatid habeenkii markaad jiifanaysid, sidaasne aad ku liqday hawo tira badan..
5- In aad badsatay cunnooyinka buunshaha ku badan yahay "Fibers", taasoo aaryo badan mindhicirrada ku abuurto.

Wixii faahfaahin intaa dheer iyo midda ay noqon karto cilladaada, fadlan la xiriir dhakhtarka.