Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Saakit on April 28, 2015, 01:31:37 PM

Title: Su'aal: Cididiifka Maxaa Keeno?
Post by: Saakit on April 28, 2015, 01:31:37 PM
Asc dr salan ka dib , waxaan raba inaan ku weydiyo cididiifka iyo waxaw yhy iyo sida lagu daaweeyo ?
Title: Re: Su'aal: Cididiifka Maxaa Keeno?
Post by: SomaliDoc on May 02, 2015, 12:03:14 PM
(http://somalidoc.com/Topics/cididiif.png)

Cididiiftu waa waa dildilaaca yaryar ee ku yimaada maqaarka ku yaala salka cidiyaha, kuwaaas oo fiiqfiiqmo oo aad ka dareentid xanuun marka aad goyneysid.

Dad badan baa ka sheegto arintaan, asbaabaha keenana waa lagu kala duwan yahay, waxyaabaha keeno waxaa ugu muhiimsan:


Sida ugu haboon ee aad ula tacaali kartid cidi diifta haddii ay dhowr jeer kugu soo laalaabato waa in aad:

Haddii aad fiiqdid oo ay nabar yeelato oo barar ama dheecaan aad ku aragtid waxaad u baahnaan doontaa in aad qallajiyo u qaadatid oo aad dhakhtar la xiriirtid.

Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Cididiifka Maxaa Keeno?
Post by: Saakit on May 02, 2015, 06:26:03 PM
Dr aad baan kugu mahad celinaya , teda kale mushkiladan hada ayay i haysataa wax badana waan isticmalay qalajiyo wax weena iima tarin markastana markaan is dhaho waad ka reesatay way igu soo noqota , marka maxaan sameeya oo aan ku daweyaa
Title: Re: Su'aal: Cididiifka Maxaa Keeno?
Post by: SomaliDoc on May 07, 2015, 11:48:20 AM
Cididiifta uma baahna qallajiyo in aad u qaadatid ee ka fogow waxyaabaha kor ku xusan.