Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Tajudin Ahmed on January 11, 2019, 12:16:59 AM

Title: Su'aal: Jilibka ayaa xanuunaayo illaa yaraantiisa?
Post by: Tajudin Ahmed on January 11, 2019, 12:16:59 AM
asc wr wb walaayal dhaqtarka waxaan rabaa inaan waydiiyo su aal ah
waa inan 17 jir ah waxa xanuunayo jilibka ilaaa yaraantiisii wuu bararayaa siiba Marka uu istaago sidoo kale uu shanqarayaa markuu laabo hadana aw fidiyo ee uu ku celceliyo sidoo kale caadi sida lugta kale Uma fidayso umana laabmayso  markaaa dhoktor maxaa sababay waalidkiisuna waxay dhahaaan waa nabur yaraantiisii soo gaaray imika lugtu way bararsantahay markasta mahad sanid doctor
Title: Re: Su'aal: Jilibka ayaa xanuunaayo illaa yaraantiisa?
Post by: SomaliDoc on August 25, 2019, 01:25:39 PM
Jilbo xanuunka waxyaabo badan ayaa keena, laakiin markii lagu arko qof da' yar waxay noqon kartaa wax ka dhashay dhaawac ama jug hore, infekshan kalagoyska galay, xanuunka roomaatiisamka ee caruurta ku dhaca, waa muhiim in dhakhtar specialist ah la tusiyaa cunugaas si jilibkiisa loo badbaadiyo haddii kale dheecaanka ayaa ka dhamaanayo, carjawda lafaha kala celinayso ayaa burburayso, kadibne lafaha ayaa is xoqaayo, laabitaanka iyo fidinta ayay joojin doonaan, markaasne xalka kaliya waa in jilibka la badalaa...