Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maimunakhalif on March 08, 2016, 05:49:45 PM

Title: Su'aal: Waxa i xanuuno dhinaca midig ee feeraha?
Post by: Maimunakhalif on March 08, 2016, 05:49:45 PM
Waxaan weydiin lahàa doctors waxaa in muda eh i xanuunto dhinaca midin feeraha danbe kilada ka koreyso markaan fadhiisto bas hadaan istaago ama seexdo  wax xanuun ma dareemo dhakhtar waan la xariiray waxaa laoga saaray mri scane dhakhtarkii waxuu dhahay waxbo ma qabtid mrka maxaa keeni karo xanuunkaas .
Shukran
Title: Re: Waxa i xanuuno dhinaca midig ee feeraha qeybta danbe oo kilida ka koreyso
Post by: SomaliDoc on March 18, 2016, 12:00:34 PM
Illaa goorma ayay ku xanuunaysay?
Qufac ma leedahay ama xanuun markaa hindhisto?
MRI scan-ka qeybtee jirka laga saaray ma feeraha ayay ahayd mise caloosha?
Miisaankaagau waa imisa?
Shaqadaadu fadhi miyay u badan tahay?
Da'daada waa meeqo?
Ma leedahay xanuunka gaaska, dibbiro markaa cunto cuntid ka dib?
Ma jiraan xanuuno kale ama daawo aad qaadatid? wax jug hore oo ku gaaray?
Xanuunka aad meeshaa ka dareemayo meel kale ma u gudbaa sida garabka midig oo kale.?

Fadlan su'aalahaas ka soo jawaab.
Title: Re: Waxa i xanuuno dhinaca midig ee feeraha qeybta danbe oo kilida ka koreyso
Post by: Maimunakhalif on April 10, 2016, 06:32:05 PM
Da'deydu waa 20 jir dhinacaas bas ayaa i xanuunto meel kle uma gudbo xanuunka cudurka gaaska waa qabaa oo waxaan isku arkaan markaa cunto cuno caloosha ayaa hawo iga gasho oo waa daacsadaa xanuunkaan waxuu ihaaya ilaa 5 sano lkn marka qaar waan roonahy oo maalin walbo ima xanuunto markaa fadhiyo bas ayeyna i xanuunta hadaan istago ama aan seexdo xanuunka wuu dhamana wax qufacmisaankeygana. mri la isaaray waa tan dhinaca kabilaawato garabka ilaa lugta   misaankeygana waa 71kg wax jug ehna iigama dhicin
Title: Re: Su'aal: Waxa i xanuuno dhinaca midig ee feeraha?
Post by: SomaliDoc on April 24, 2016, 04:17:20 PM
Sida aad u faahfaahisay waxay u badan tahay murqo-kog (Muscle spasm) ka dhalayo qaab fadhigaaga ama cadaadis aad saarayso feera calaanta hoose, fadlan ku dadaal in fadhigaadu uu toosnaado, meesha ku xanuunaysane saliid xabad sowdo oo qandac ah ku daliig, wixii isbadal ahne ila soo socodsii.