Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on April 05, 2016, 11:18:02 PM

Title: Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?
Post by: SomaliDoc on April 05, 2016, 11:18:02 PM
(http://somalidoc.com/Topics/autopsy.png)

Waxaan rabaa in aan ka hadlo qalliinka lagu sameeyo meydadka anigoo kaga jawaabi doono su'aalo badan oo ay isweydiinayeen qaar badan oo ka mid ah akhristayaasha bogga SomaliDoc.com ee Facebook-ga.

Qalliinka lagu sameeyo meydka si loo ogaado sababta dhimashada waxaa loo yaqaanaa "Autopsy", waxaa kaloo loo yaqaanaa "Post-mortem examination" ama "Necropsy" ama "Obduction".

Waa qalliin ay sameeyaan dhakhaatiir ku taqassusatay cilmiga dambi-baarista, waana takhasus dhif ku ah dunida oo ay bartaan dad yar, markii loo fiiriyo takhasusyada kale, cilmiga lagu barto dambibaarista iyo qalliimada waxaa loo yaqaanaa "forensic medicine / forensic pathology" ama cilmiga dambibaarista "Criminology", sida aan ku arkay dhowr wadan, dadka takhasuskaan diyaariyo ama barto waa qof askari dambibaare ah oo hadane dhakhtar ah, ama dhakhtar noqday askari dambibaaris, dhakhtar ka mid ah dhakhaatiirtaas oo aan wareestay hada ka hor, wuxuu ii sheegay in takhasuskaan uu wato cabsi xoog leh oo qofka xoriyada ka qaadi karo maadaama markasta uu takane ku jiro, waxaa dhici karta in warbixin uu qoray qof xabsi loo dhigo, ama dil loogu xukumo ama xoolo looga wareejiyo, khaasatan dadka la baarayo haddii ay yihiin dad magac ku leh bulshada ama awood dhaqaale ama mid siyaasadeed leh, marka waa in qofka baaristaan sameeynayo markasta taxaddar ku noolaadaan, qaar badan oo ka mid ahne waa la dilaa haddii fursad loo helo.!!!!

Qalliinka waxaa loo sameeyaa in lagu ogaado sababta dhimashada, qaabka dhimashada, hadduu jiray xanuun hore ama dhaawacyo markaas gudaha ama dibadda qofka ka muuqdo.

Waxaa qalliinka loo sameeyaa in sharciga iyo cadaalada la meel mariyo, waxaa kaloo loo sameeyaa cilmibaaris ahaan iyadoo la ogaanayo qaabka ay cudurrada ama dhaawacyadu u keenaan dhimasho.

Waxaa kaloo qalliinka uu noqon karaa mid jirka korkiisa ku eg ama mid gudaha loo dhaadhacayo oo qofka la furayo, badanaa midkaan dambe waa in ogolaansho laga helaa qofka ugu dhaw meydka, inkastoo ay dhici karto xaalado degdeg ah oo ogolaansho aan la sugin, markii qalliinka la sameeyo, waa in xubnihii oo idil dib loogu celiyo booskoodii kadibne la tolo.

Goormaa qalliinkaan la sameeyaa?
Waxaa la sameeyaa markuu qofka si kadis ah ku dhinto ama shakki uu ka yimaado sababta dhimashada ama ay muuqato ififaalo dambiyeed ama la kala saarayo dhowr sabab oo isku dhaw ama dhakhtarku uusan qori karin shahaado dhimasho / ogolaansho duugis ama in booliska uu codsado baaristaas ama dhimashadu ay la xiriirto dagaal, burcadnimo ama fal dambiyeed , Intaas mid ka mid ah, haddii ay dhacdo, lama raadiyo ogolaansho wadamada badankood, waxaana ka jawaabaya su'aal kasto oo ka timaado arintaas qeybta caafimaad ee qolooyinka dambi-baarista.

Badanaa yahuuda iyo muslimiinta ma ogola in qalliinkaan lagu sameeyo eheladooda, waxayna kaga badbaadaan arintaan inay ka tanaasulaan wixii shakki ah illaa inuu meydka gacanta booliska galay oo lala xiriirinayo fal dambiyeed mooyee.
Ehelku way codsan karaan in qalliinkaan loo sameeyo haddii ay aaminsan yihiin inuu qofka u dhintay khalad uu isbitaal ama dhakhtar galay, sidaas ayaana lagu baaraa.
Qalliinkaan laguma sameeyo isbitaalada, waxaa lagu sameeyaa meel loogu talagalay oo madax banaan, badanaane waa hal meel wadanka oo idil.

Qaabkee loo sameeyaa qalliinkaan?
Baarista kadib waa inuu dhakhtarka qoraa warqad tafatiran iyo warbixintii ka soo baxday qalliinka iyo dheecaannadii la baaray oo haddii ay arintu maxkamad gaarto loo adeegsan karo caddayn ahaan, waana inay jawaabta baaristu ku soo gabagabowdaa mid ka mid ah 5 shay:
1- Dhimasho dabiici ah.
2- Dhimasho shil ah.
3- Dhimasho dil ah.
4- Dhimasho is-dil ah.
5- Dhimasho aan la garanayn.

Inkastoo asalka cilmigaan uu ka yimid reer galbeedka, laakiin isticmaalka wuu ku sii yaraanayaa maadaama ay soo baxeen ururo ka soo horjeeda baaritaanada noocaan ah, laakiin wadamada soo korayo aad ayaa looga sameeyaa.

Qalliinka waxaa loo sameeyaa qaab "Y" ama "T" ama "l" oo kala ah, iyadoo jeexdin dheer ah lagu sameeyo qofka laga soo bilaabo dhuunta hoosteeda illaa lafta bisqinta si lagu wada arki karo wixii ku dhex jiro jirka, laga soo bilaabo sambabada, wadnaha iyo uur ku jirta oo idil, madaxane waxaa lagu sameeyaa jeexdin wareeg ah oo madaxa loo feydayo sidii weel xiran oo kale.
Jeexdinta noocaan ah waxay sahlayaa in dib loo furi karo haddii ehelada ay shaki ka qabaan in qeyb ka mid ah jirka ay maqan tahay si dib loogu furo, hadane loo xiro.

Ardayda caafimaadka ku soo baratay ama ku barato wadamada laga sameeyo qaaliimadaan, way soo qaataan koorso ku saabsan cilmigaan, waana la geeyaa meesha lagu sameeyo qalliimadaan iyagoo weliba ka qeyb qaato ama la tusiyo qaabka qalliinka.

Intaas ka dib haddii aan u soo gudbo su'aalaha ay dad badani is waydiinayaan:

Dardaaran Guud:
Fadlan aqoon u yeelo sharciga wadanka aad ku nooshahay, waxyaabo badan oo waxaa jiro dadku aysan ka war haynin.
Tusaale ahaan: Dalka Ingiriiska lama ogola in qalliinkaan la sameeyo ogolaansho la'aan, dalka Masar ogolaansho qoys uma baahno qalliinkaan, dalka Kenya ogolaansho duugis / xabaalis ayaad u baahan tahay, Soomaaliyane ogolaansho duugis / xabaalis uma baahnid.

Fadlan haddii aad su'aal caafimaad qabtid iigu soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)

www.somalidoc.com (http://www.somalidoc.com)
Title: Re: Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?
Post by: Mo Digdig on April 06, 2016, 04:35:38 PM
Aad ayaan idiin kugu mahadcelinayaa dhaqaatiirta sharafta leh, maxaa loo lahaa soomaali cid umaqan maleh sidii xoolihii ayaa loo qalqalaa cid u doodana maleh hadiiba dhaqaatiirtaan sharafta leh aan heysano oo mar walba ka damqado dadkooda. Lkn wxn rabaa inaad hal mid iga shaki bixisaan;

qaliinka wxa loo sameeyaa inuu laxariiro

1. Dagaal
2. Burcadnimo iyo
3. Fal dambiyeed.

Hadiiba saas loo sameeyo, maxa keenay dadkaan soomaaliyeed ee bada ku dhintay loogu sameeyay. Sababto ah shaki kuma jiro qof bad ku dhintay in uusan u baahneyn qaliin. Waad mahdsntihin mar labad somalidoc