Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hassandahir on August 22, 2010, 10:45:28 AM

Title: Su'aal: laba su'aal ayaan rabaa inaan weydiiyo dhaqaatiirta?
Post by: Hassandahir on August 22, 2010, 10:45:28 AM
Marka waxaan joogaa mogdisho oo aad ogtihiin dhaqaatiiryarida ka jirta marka waxaan inka codsan lahaa in si waafiya la iiga jawaabo labadaan su'aal oo labaduba dad ila qaraabaa heystaan oo xal loo weysan yahay
midka koowaad
Nin adeerkey ah ayaa waxa uu waagii hore la'aa indhaha oo habeenkii wax ma arki jirin oo cudurka somalidu dhahdo habeeniso ayuu qabay markii danbana waxa uu gaaray heer uusan maalinkii wax arkin oo hada waa indhool markaa wareysato waxa uu ku leeyahay waxaan arkaa wax yaalo kala duwan oo indha iga maraa sida KALARO KALA DUWAN MAR DHIIG CAMALA MAR WAX MADOW MARABA WAXAAN ARKAA madax xanuuna waa ugu dar san yahay intaas intaas waxaa usii dheeraa dhaga oo jug ka ahaa ayaa hadana sii fariistay oo inaad afka dhagta u saarto maahan wax maqli maayo ee seen yeelaa intaasna waxaa sii dheer dhaqaatiirtii waxay dhaheen xamar joogay waxba uma qaban karno taas waa mida koobaad?
mida labaad gabar aniga xaaskeyga ah oo qof xaamilaa ah ayaa markii ay gabadha aheed ilaa hada waxay qabtaa wadna gariir oo waxaa loogeeyay dhaqtar dasuuqi daawo uu uqorayna ayaan waa ku rooneed hadana sidii ayaa loogu soo laabtay magaaladiina waa kala xirantay oo meel aan dhaqatarkii umaro malaha warar aanan hubina waxay sheegeen in uusan joogin dalka dhaqtarkii marka maxaa kaalmaati ah oo aan gabadhaas siin karaa oo hada 5 maalin iyo 4 habeen waa heysaa jiradii ee maxaan sameeyaa
waad mahadsantihiin
Title: Re: Su'aal: laba su'aal ayaan rabaa inaan weydiiyo dhaqaatiirta?
Post by: Merodiyab on August 23, 2010, 04:06:11 PM
 Asc marka hore, case-kaaga koowaad, ninka adeerkaga ah allah caafiyo marka hore, arintiisa waxay ubaahantahay in faafaahin dheerad ah laga helo case-kiisa, maadaama uu isku darsaday laba arimood oo aan lafududeysan karin. marka as a 4th year medical student, aniga waxay ila tahay in weli labadiisa xaaladadooba wax laga qaban karo lkn loo baahanyahay inuu arko dakhtr speciality-gaas khuseeya, hadii wadanka wax looga qaban karina aad laxariito isbitaalada dibada( example- wadanka aan ani hada jooga waxaa mar dhow lakeenay gabar soomaliyeed oo dhegaha sidaa camal kajiran), marka ilaah ahkuu fududeeyo.
case-ka labaad, da'da xaaskaaga waa muhiim in order to diagnose her condition; teeda labaad hadii aad ogtahay xanuunkii uu kasheegay dr.dasuuqi, waxaa fiican inaad latashato dakhaatiirta kale ee magalada jooga adigoo ugeynaya results-ka testkii iyo ECG ama X-ray wixiii gabadha laga qaaday.   if aysan kuu suuroobi karin intaas, waxaa iisoo diri kartaa warbixinta oo kaamil then i can do my best to help.

mar labaad ilaah haku caawiyo, waan ogahay dhibka magalada kajira iyo baahida caafimaad la'aanta.