Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on September 10, 2016, 08:02:28 PM

Title: Maanta jooji sigaarka, dibne u hel caafimaadkaaga.
Post by: SomaliDoc on September 10, 2016, 08:02:28 PM
(http://somalidoc.com/Topics/jooji.png)

Bismillah,

Sigaarka waa aafo dhibkiisa la isku raacsan yahay laakiin joojintiisu ay ku adag tahay dadka qaarkiis.

Waxaa la qiyaasaa in sigaar cabista laga qaado in ka badan 50 cudur, laakiin horay waxaan uga hadalnay 10-ka cudur ee ugu halista badan ee halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=602.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=602.0)

Waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa isbadallada ku dhaca jirka si caafimaadkiisa u soo ceshto markuu qofka sigaarka joojiyo.

Taasi waxay ku xiran tahay marka ugu horayso, muddada sigaarka aad cabaysay iyo inta xabo oo aad maalintii cabaysay, sidaas awgeed dhakhaatiirta marka ay xisaabinayaan halista sigaar cabistaada waxay adeegsadaan wax loo yaqaano "Pack years", taasoo loo xisaabiyo sidatan:

Inta baako oo aad cabtay maalintii oo lagu dhuftay inta sano oo aad cabaysay, Tusaale ahaan hadduu qofka maalintii uu cabo labo baakad oo sigaar ah, sidaasne uu samaynayay muddo 5 sano ah, waxaa la yiraahdaa qofkaan wuxuu cabayay halkii sano 730 baakad, haddii 5 sano lagu sii dhufto tirada iyo dhibkuba wuu sii bataa, haddii sigaar loo badalo oo lagu dhufto 20 xabo, waxaa soo baxayso tiro aad looga naxo.

Isku soo wada duuduub, waxaa la qiyaasaa in qofka u baahan yahay inta u dhaxayso 5 illaa 20 sano illaa uu jirkiisa ka suulo dhibaatadii uu ka dhaxlay sigaar cabista.

Waxaa kaloo muhiim ah oo la isku waafaqsan yahay, haddii aad da' yar ku bilawdo, dhibaatada uu ku gaarsiiyo waqti dheer ayay qaadataa inay kaa baaba'do maadaama korriinka jirkaagu ay la qabsanayo sunta sigaarka, dhaawac badane u geysan karto.

Isbadallada la dareemo waxay u kala horeeyaan sidatan:

Waxaan dadka sigaarka cabo khaasatan dhalinyarada kula talinayaa in aad joojisaan sigaar cabista, caafimaadkiinane aad alle dartii ugu dadaashaan, jirka wixii dhibayo haddii aad kaday waysaan wuu dacwoon doonaa maalin aadan isdifaaci karin, fadlan jooji maanta oo ber ha sugin si nolol caafimaad leh aad u heshid adiga iyo qoyskaagaba.

Ogow joojinta sigaarka uma baahno qorsho qof kale kuu dajiyay ee wuxuu u baahan yahay go'aan adag oo aad qaadato, fadlan ka fogow asxaabta aad sigaarka isla cabi jirteen iyo meelaha aad ku cabi jitay.

Fadlan raac 10 talo oo aan horay u soo bandhignay oo arintaas kaa caawin doonto, riix link-gaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,602.msg1609.html#msg1609 (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,602.msg1609.html#msg1609)

Haddii aad su'aal caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)